masalugaley ld masacagaley.
masalugooley ld masacagaley.
masar 1. Maro yar midabbo leh, jilicsan oo haweenku gambaystaan; fasaleeti. 2. Gabal maro ah, oo loogu talagalay dhididka, diifka iwm in la isaga tiro.
masarafad Dhawraarin yar oo caws ka samaysan, oo cunnada gogosha laga xijiyo.
masawir1 1. Aaladda wax sawirta. 2. Muuqaal ka taagan wax oo lagu daabacay warqad. loox, derbbi iwm iyada,oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale. 3. Shaxan, jaantus. ld taswiir. masawir2 1. Muuqaalka ka taagan wax laftiisa warqad, loox derbi, iwm ku daabicid iyada oo la adeegsanayo gacan ama qalab kale. 2. Shaxan ama jaantus sawirid. masawirid eeg masawir².
masax1 ld masixid. masax2 1. Maro, xaashi iwm wax ku tirtirid. 2. Ku m.:dufan, dhoobo iwm meel ku dhoobod. 3. Ku m.:wax si xoog ah wax kale ugu dhufasho. masaxad Maro, xaashi iwm oo wax lagu tirtiro; catir. ld masaxo¹.
masaxan Wax la masaxay ahaansho (sabuurad, jir miis iwm).
masaxnaan eeg masaxan. ld masaxnaansho.
masaxnaansho ld masaxnaan.
masaxo1 Maro yar oo wax lagu tirtiro. ld masaxad. masaxo2 Wasakh, boor iwm meel ka tirtirasho. masay Cutub caws ah oo dusha looga maro geeddi (xarig yar), marka la samaynayo raar, raarkuna kuwaas oo badan uu ka koobmo.
masayr1 1. Cuqdo qof qaado marka uu ogaado qof uu jeclaa inuu qof kale xiriir la leeyahay. 2. U quuriwaayidda qof kale oo wax uu haysto loo quuri wayo. masayr2 1. Qof masayr ku beermid. 2. Qof wax haysto u quuriwaayid. masayri M./ka m.: cid masayr ku beerid. ld masayrsii.
masayrid eeg masayr².
masayrin eeg masayri. ld masayrsiin.
masayrrey Naag masayr badan.
masayrrow Nin masayr badan.
masayrsan Cid masayr hayo ahaansho.
masayrsanaan eeg masayrsan. ld masayrsanaansho.
masayrsanaansho 1. eeg masayrsanow. 2. ld masayrsanaan.
masayrsanow Cid wax masayr hayo noqosho.
masayrsii ld masayri.
masayrsiin ld masayrin.
masayrtir1 Hanti la siiyo naag masayrsan si loo raalliggeliyo.
page : 1043 of 1584
<< < 1038 1039 1040 1041 1042 1043 1044 1045 1046 1047 1048 > >>