Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gifin
baqe Ka tegidda dad meel ay ku sugnaayeen baqdin awgeed. ld baqasho.
baqid ld biqid.
baqlad ld baqaal.
baqo (1) ld baqasho.
baqo (2) Ka b.: baqdin awgeed meel lagu sugnaa ka tegid; wax ka cabsasho.
baqool (1) Safar duhurkii la socdo; dhalandhool. ld baqoolid.
baqool (2) Duhur, socod gelid. ld boqool².
baqoole Socodka duhurkii la socdo. ld baqoolid.
baqooli Nafley, duhur socodsiin. ld baqoolsii, boqooli, boqoolsii.
baqoolid eeg baqool². ld baqool¹, baqoole, boqool¹, boqoole, boqoolid.
baqoolin eeg baqooli. ld baqoolis, baqoolsiin, baqoolsiin, boqoolin, boqool.
baqoolis ld baqoolin.
baqoolsii ld baqooli.
baqoolsiin ld baqoolin.
baqoolsiis ld baqoolin.
baqshad Kiish yar oo xaashi ah, xabag lagu xiro afka ku leh, qaabab kala duwan leh oo warqadaha lagu xiro. ld boqshad, buqshad.
baqshadayn eeg baqshadee.
baqshadee Wax baqshad dhex gelin (waraaq).
baqshiish (1) Hanti yar oo qof adeegay farxin ahaan loo siiyo.
baqshiish (2) Qof adeegay, farxin ahaan hanti yar siin.
baqshiishid eeg baqshiish².
baqti (1) 1. Nafley iyadoon la birayn nafbaxday. 2. Nafley nafbaxday oo quruntay. ld bakhti¹.
baqti (2) Nafley, iyadoon la gawracin nafbixid. ld bakhti².
baqti-afuuf (1) 1. Diqsi waaweynoo aan laga waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax aan qiimo lahayn bunbuuniya. ld bakhti-afuuf¹.
baqti-afuuf (2) 1. Wax aan qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u liidata taakulo dheerad ah siin si ay u noolato. ld bakhti-afuuf².
baqti-afuufid eeg baqti-afuuf². ld bakhti-afuufid.
baqtifuul Duqsi waaweyn, leh midab qurxoon oo buluug ama cagaar ah oo laga helo meelaha waxa qurmay yaaliin. ld bakhtifuul.
baqtiggowrac (1) Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iwm); baqtiwareen. ld bakhtiggowrac¹.
baqtiggowrac (2) Baqtigowrac ku kicid. ld bakhtiggowrac².
baqtiggowracid eeg baqtiggowrac².
<< < 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 > >>

 

Exit mobile version