Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
matilaad  (riw.) Habka wax loo jilo.
matilid  ld masalid.
matirsame  (nax.) Magac aan oggolaanin in uu noqdo wadar, wuxuuna tilmaama shay aan tirsamin, sida: biyo, sonkor, saliid; si wadar looga dhigo waa in erey kale loo raadiyaa sida: biyo badan iwm.
matixid  ld mutuxid.
matoobbe  ld matoobbo.
matoobbo  Ul af godan leh oo raggu ku xarragoodo; bakoorad. ld matoobbe.
matoor  ld motoor.
matoor1  (fiis.) Matoor danab oo u habeysan in uu ku shaqeeyo qulqul talantaaliya. matoor danabeed  (fiis.) Makiinad tamar danabka u beddesha tamar makaanikaad. Makiinadaha noocani waa nadiif, deggan, lehna karti aad u sarreysa (75-90%).
matooriste  ld motooriste.
matxaf  Guri lagu xafido waxyaabaha taariikhda leh.
maw  Weelasha biyaha lagu shubto.
mawaa  Erey weyddiimeed oo muujinaya shaki.
mawaashi  Xoolaha nool; xayawaan.
mawd  Dhimashada nafleyda. ld mowd.
mawduuc  Duluc.
mawe  ld wamme.
mawjad1  1. Dhaqdhaqaaqa biyuhu sameeyaan marka ay dabeeshu ku dhacdo. 2. Qulqul baahsan, xiriir ah oo ay samayso korontadu marka hawada lagu sii daayo. ld mowjad, hir. mawjad2  (juqr.) Kicidda iyo degista oogada badda, ugu dhowaan laba jeer maalintii, oo uu dhaliyo cufisjiidadka dayaxa iyo xoogga kan qorraxda ah. Oogada badweynta, faraqa u dhexeeya mawjadaha sare iyo kuwa hoose wuu ka yaryahay 1 m.; laakiin badaha godan ee qaaradaha xadka la leh waxaa laga yaabaa inuu ka bato 6 m., mawjadaha afafka dhuuban ee webiyada wuxuu gaadhaa 15 m. ama ka badan. Qulqul mawjadeed: waa u socodka biyaha mawjadda xagga khoori, af-webi, deked, iwm ee fatah mawjadeedka ama dusheeda ama mawjad noqdo. mawjad-dayreed  (juqr.) Mawjadaha aad u waaweyn kolka dhulka, qorraxda, iyo dayaxu ay xariiq toosan oo isku mid ah yihiin; xoogga cufisjiidadka ee qorraxdu wuxuu ka yimaadaa jiho la mid ah tan dayaxa, markaana wuu hiirigeliyaa.
mawjad-gaaban  (juqr.) Hirar ballac yar oo abuurma marka cufisjiidadka qorraxdu uu lid ku noqdo si xagal quman ah kan dayaxa.
mawjiid  Roob weyn oo dhul ballaaran ku fida, daaq badanna bixiya; mahiigaan.
mawlac  ld mowlac.
mawle  (dii.) Magacyada Ilaah mid ka mid ah; Eebbe; Alle; Weyne. ld mowle.
mawliid  1. (dii.) Maalinta uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). 2. (dii.) Xuska loo sameeyo dhalashada Rasuulka(n.k.h.a.). 3. (dii.) Bishii uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). ld mowliid, mowluud.
mawqif  Go'aan cad oo uu qof iska taago arrin adag. ld mowqif.
maxaa  Erey loo adeegsado wax wayddin sida: m. dhacay? Sida badanna magacuyaallo ayaa lagu lifaaqaa, sida: maxaad (maxaa+aad) rabtaa?
maxaabiis  eeg maxbuus.
maxaad  Cirbad weyn oo lagu tolo jawaanka qobtolka, karnaashka iwm; maxaar. ld maxaar.
maxaajiraa  ld maxay.
page : 1051 of 1584
<< < 1046 1047 1048 1049 1050 1051 1052 1053 1054 1055 1056 > >>

 

Exit mobile version