Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
mijasaarid  ld manjasaarid.
mijaxaabi  ld manjaxaabi.
mijaxaabis  ld manjaxaabin.
mijaxaabo  ld manjaxaabin.
mijilic1  M. ah: neef korriimadu ka xumaatay. mijilic2  Neef korriimadu ka xumaatay noqosho. mijilicid  eeg mijilic².
mijilis  1. ld majlis. 2. Loox laba lugood oo yaryar leh oo lagu fadhiisto gember.
mijin  ld majin².
mijirkoos  Maro adag midabyo badan u kala baxda oo la xiran jiray.
mikroskoob  Qalab loo adeegsado inuu aad u weyneeyo waxyaalaha aad u yaryar ee aan isha caadiga ahi lagu arki karin.
mil1  Milme hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda. mil2  Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iwm hoore ka dhigid. milaad  Qiyaasta qof maskaxdiisa wax ka qiyaaso.
milaadi  Wax maskax ka qiyaasid.
milaadin  eeg milaadi.
milaadsasho  eeg milaadso.
milaadso  Wax maskax ka qiyaasasho.
milaal1  Buuxinta wax muggooda laga buuxsho wax kale. ld milaalid. milaal2  Wax mug leh, wax kale ka buuxin. milaalan1  Wax mug leh oo wax kale laga buuxshay noqosho. milaalan2  Ka m.: wax mug leh oo wax kale laga buuxshay ahaansho. milaalid  eeg milaal². ld milaal¹.
milaalmid  eeg milaalan¹.
milaalnaan  eeg milaalan². ld milaalnaansho.
milaalnaansho  ld milaalnaan.
milan1  ld milmid. milan2  (kiim.) Hoor ka unkamay laba ama dhawr nooc ama walxood kuwaas oo isugu dhex baahay si heer molikuyuuleed ah. Haddaba, milanku waa isku kaan buuxa. Xubinta hadba badan ee milan waxa la yiraa mile, badanaaba waa hoor saafi ah xubinta yarna waxa la yiraa milme (neef, hoor ama adke). milan3  1. Milme wax hoore ku qasmay noqosho. 2. Dhar wax liinbaxay noqosho. milan4  Milme wax hoore ku qasmay ahaansho.
page : 1073 of 1584
<< < 1068 1069 1070 1071 1072 1073 1074 1075 1076 1077 1078 > >>

 

Exit mobile version