Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
miyaaso  Libaax-badeedka jaad ka mid ah.
miyelooma  (daaw.) Cudur daran (kansar) oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gaamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
miyi  Dhul magaalooyinka ka fog oo xoolo dhaqatadu ku noolyihiin; baadiyo.
miyid  eeg mi'i.
miyir  1. Kartida wax lagu kale sooco ama lagu garto, caqli; maan. 2. Digtoonaan iyo isjirid wax lagu qabto si aan wax dhibaato keena u dhicin, degganaan, xasilloonaan. 3. ld miir 1 (2).
miyir beel gaaban  (daaw.) Qallal.
miyirbeel1  1. Lumidda garashadu ka lunto qof. 2. ld miyirbeelid. miyirbeel2  (daaw.) Xaalad miyir la'aaneed. miyirbeel3  Suuxid dhaawac, cudur iwm oo qof ku dhacay wax lakala garan waayid. miyirbeelid  eeg miyirbeel³. ld miyirbeel¹ (2).
miyiri  1. U m. qof si tartiib ah wax ugu sheegid. 2. U m.: si deggan wax u qabasho.
miyirin  eeg miyiri. ld miirin.
miyirsad  ld miyirsasho.
miyirsasho  eeg miyirso. ld miirsad, miirsasho, miirsi (2), miyirsad, miyirsi.
miyirsi  ld miyirsasho.
miyirso  1. Suuxdin ama wax kale oo caqliga dooriya kaddib miyir yeelasho. 2. Qof dhallinyaro ah oo fudud xasilid. 3. Qof sarkhaanay saaxi naqosho. ld miirso.
miyirtir  1. Qof, wax maanka dooriya siin. 2. Qof jug dhaawac iwm oo miyirkiisa dooriya gaarsiin.
miyirtirid  eeg miyirtir.
miyobi  Arag dhowaad.
mocooyo  ld macooyo.
mohaar  Qiyaas nus jawaan dhan oo lagu cabbiro dalagga beerta. ld mohoor.
mohasho  ld muhasho.
mohi  ld mihi.
mohin  ld mihin.
mohis  ld mihin.
moho  ld muho.
mohoor  ld mohorad.
mohorad  Kiintaal la kala baray barkii. ld mohaar, mohoor.
mohosho  ld muhasho.
mokhoddan  (muus.) Durbaan laga yaqaan gobollada koonfureed. ld mokhoddon.
page : 1085 of 1584
<< < 1080 1081 1082 1083 1084 1085 1086 1087 1088 1089 1090 > >>

 

Exit mobile version