moogaansho eeg moogow. ld moogaan.
moogeysii Cid wax illowsiin.
moogeysiin eeg moogeysii. ld moogeysiis.
moogeysiis ld moogeysiin.
moogow Arrin wax aan war ka hayn noqosho.
moogtamid eeg moogtan². ld moogtan¹ (2).
moogtan1 1. Kaltan. 2. ld moogtamid. moogtan2 U m.: cid la kaltamid. moohaari Dalag beereed moohaar ku qiyaasid ama ku cabbirid.
moohaarin eeg moohaari.
moohaarsan 1. Wax la moohaariyey ahaansho (dalag beereed). 2. Wax qaab humbulan leh ahaansho (nafley).
moohaarsanaan eeg moohaarsan. ld moohaarsanaansho.
moohaarsanaansho ld moohaarsanaan.
mool Meel biyo fadhiyaan oo dhulkii aan la gaari karin ama aad u fogyahay; qusur.
moolal (kiim.) Ribnaan.
moolarnaan (kiim.) Tirada moolasha ah ee milme ee ku jira hal disimitir oo saddex jibbaaran (1 litir) oo mile ah.
moolaska (c.nafl.) Faylam jidh jilicsan leh oo ka tirsan lafdhabarla'da oo ay astaan tahay jidh aan maraaryo lahayn, oo u kala baxsan, madax, lug hoosaad muruqaysan oo loo isticmaalo socodka, iyo tuur sare oo harag laabani ku daboolanyahay iyo dubaalad taas oo sinjiyada badankooda dhiiqda qolof adag oo dabool ah.
moole Aqallada miyiga jaad ka mid ah.
moolikiyuul (kiim.) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.
moolikiyuul cirifle (kiim.) Molikuyuulka dabarradiisa ciriflaha ahi aanay midina u habaysnayn wanqaran qumman, sidaa darteedna aan dheellitirnayn. Molikuyuullada noocan ahi waxa ay leeyihiin maroojis laba cirifle.
moolikiyuul weyne (kiim.) Moolikiyuul weyn; taas macnaheedu waa taran badane dabiici ah ama mid dadku sameeyeen ah.
moollee Wax, wax jilicsan oo diismaya ka dhigid.
moolleyn eeg moollee. ld moolleys.
moolleys ld moolleyn.
moollo 1. Gariirad. 2. Wax jilicsan oo diismay.
moolnimo Mool ahaansho.
moolo Xubnaha taranka ee ragga; xiniinyo.
moomah ld moobah.
moonooboli (dhaq.) Haysasho buuxda ee ka ganacsi alaab ee gaar u ah qof ama koox ayna ku adagtahay dadka kale inay ka qayb galaan ganacsigaas.
moonosayt (baay.) Nooca ugu weyn ee unugga dhiigga cad, kaasi oo uu soo saaro habdhiska limf, muhimaddiisuna tahay ka difaacidda jidhka cudurrada. Wuxuu leeyahay bu'weyn iyo saytobalaasam saafi ah.
page : 1087 of 1584
<< < 1082 1083 1084 1085 1086 1087 1088 1089 1090 1091 1092 > >>