mudniin ld mudid.
mudnow Qof wax u qalmo noqosho ama ahaansho.
mudnow1 Wax meel ku turqan ahaansho ama noqosho. mudo 1. Abaalgud istaahilid. 2. Cid u baahasho.
mudo1 Wax meel ku turqasho. mudri ld murdi.
mudrin ld murdin.
mudris ld murdin.
mudur ld murud.
mudursad ld murudsasho.
mudursan Wax la murdiyay ahaansho.
mudursanaan eeg mudursan. ld mudursanaansho.
mudursanaansho ld mudursanaan.
mudursasho ld murudsasho.
mudursi ld murudsasho.
mudurso ld murudso.
mudutuul Muuqaal aan wuxuu yahay la sixi karin.
mufanid Nin tayada hargaha iyo saamaha aqoon u leh.
mufanidnimo (Nin) mufanid ahaansho.
mufsid Qof fasahaad badan oo xun.
mufsidnimo Mufsid ahaansho (qof).
muftaax Fure. ld miftaax.
mufti (dii.) Caalin weyn oo arrimaha diinta Islaamka laga wareysto.
mug 1. Weel ama wax kale oo gudo leh, inta qaadkiisu le'egyahay. 2. Inta shay gudo leh buuxin karta. 3. Kol; mar.
mug-saafid (kiim.) Hab ka mid ah xeeladihii u horreeyey saafid xaddiyeedka. Waa hab u salaysan cabbiridda mugga milan ribnaantiisa la yaqaano, muggaas oo ah inta looga baahanyahay in uu la falgalo milanka walaxda la raadinayo. Milanka ribnaantiisa la yaqaan (milan beegal ah) waxa si tartiib ah looga soo daayaa mitimiye.
mugdi Iftiin la'aan; gudcur.
muhaajir 1. Qof degaankiisii uga tegey risiq doon ama diin fidinteed. 2. (dii.) (m.w) Asxaabadii Nebi Maxamed (n.k.h.a.) la haajirtey oo inta Maka ka tegtey mid ka mid ah.
muhasho eeg muho. ld mahasho, mohasho.
muhi ld mihi.
muhiimmad ld muhimmad.
page : 1094 of 1584
<< < 1089 1090 1091 1092 1093 1094 1095 1096 1097 1098 1099 > >>