Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: aftir
naaqusid eeg naaqus². ld naaqisid.
naaqusin eeg naaqusi. ld naaqisin.
naar Harag lo'aad ama geel oo inta hab gaar ah loo sameeyo xoolaha lagu waraabiyo. ld naadh.
naar (1) 1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul.
naar (2) 1. Cid naar gelin (Eebbe). 2. Wax aad u gubid.
naar-afuuf 1. Qof dadka isku dira. 2. Mulac weyn; amuur; xayroxade.
naarajiin 1. Geedka qunbaha. 2. Saliidda laga miiro qunbaha.
naarid eeg naar³.
naarsime Naduur.
naarsimo Magaca guud ee qalabka birtumuhu adeegsado oo dhan leeyihiin.
naas 1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
naasacelis Maro dumarka naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh laba god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudimi kara; keeshali; rajabeeto.
naasaley Nafleyda inta ilmaha dhasha oo nuujisa. ld naasley.
naashiddo ld naakirad.
naashiso ld naakirad.
naashnaash (1) ld nashnaash¹.
naashnaash (2) ld nashnaash².
naashnaashan ld nashnaashas.
naashnaashi (1) ld nashnaashi¹.
naashnaashi (2) ld nashnaashi².
naashnaashid ld nashnaashid.
naashnaashin ld nashnaashin.
naashnaashis ld nashnaashin.
naashnaashnaan ld nashnaashnaan.
naashnaashnaansho ld nashnaanshnaan.
naashuusho ld naakirad.
naashuuso ld naakirad.
naasley (c.nafl.) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. ld naasaley, naasooley.
naasnuuji Si qarsoodi ah qof wax u siin.
naasnuujin eeg naasnuuji. ld naasnuujis.
<< < 1112 1113 1114 1115 1116 1117 1118 1119 1120 1121 1122 > >>

 

Exit mobile version