naas
(m.l) (-so, m.l)1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naas ↴
ib
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha
caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo
baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka
laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo.
3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo
dhurduhu u maro surta.
ibadaboole
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-layaal, m.l/dh)
Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. ld ibadaboolo. ibadaboolo
ibagorayee
[Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Hal irmaan si aan wanaagsanayn naasaha uga
marid.
ibagujee
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-jeeyay, -jeysay)
Hal irmaan si ay u godlato naasaha si tartiib ah uga salaaxid.
ibagujo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
Salaaxidda neef geel ah oo irmaan naasaha laga salaaxo si uu u godlado.
ibagurayo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.
ibajiiqo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
Yaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caanamareenka naaska
ibajitow
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday)
Neef geel ah oo ibajito naaska ka gashay noqosho.
ibamar
[m.l]
Maridda hal irmaan afarta naas laga maro. ld ibamaryo. ibamaryo
ibamar
[Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Hal irmaan afarta naas ka marid. ld ibamaryee. ibamaryee