nafsadjebin ld niyajebin.
naftihafar Qof maal ama derajo aanu lahayn sheegta oo ku faana.
naftihawir Qof naftiisa meel halis ah geliya; naftihalig.
naftihure N. ah: qof naftiisa u hibeeya difaaca dalkiisa, dadkiisa, dantiisa iwm.
naftir (1) N.kayga, n.kaaga, iwm: israacinta nafley dhaawac ah la israaciyo.
naftir (2) Dhaawac israacin.
naftirid eeg naftir².
nafto Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qaybaha soo baxa mid ka mid ah oo loo adeegsado shidaalka matoorrada diisalka ah. ld naafto.
nag ld neg.
nagaadi (1) ld negaadi¹.
nagaadi (2) ld negaadi².
nagaadin ld negaadin.
nagaan ld negaan.
nagaansho ld negaan.
nagaar Dhir yar-yar oo gaagaaban.
nagaardeeb Geednagaar qodax leh oo xooluhu daaqaan.
nagayn ld negayn.
nagee ld negee.
nagi (1) ld negaan.
nagi (2) ld neg.
nagow ld negow.
najaar Nin yaqaan farsamada alwaaxda; sarmali; faryaame. ld nijaar.
najaarnimo Najaar ahaansho. ld nijaarnimo.
najaas (1) (dii.) Qof faddaro ah. ld nejis, nijaas¹.
najaas (2) (dii.) Naag faddaro ah. ld nejisad, nijaas² (1).
najaasaysan ld nijaasaysan.
najaasaysnaan ld nijaasaysnaan.
najaasaysnaansho ld nijaasaysnaan.
najaasee (dii.) Qof wasakh gaarsiin. ld nijaasee.
najaaseyn eeg najaasee. ld nijaaseyn.
<< < 1121 1122 1123 1124 1125 1126 1127 1128 1129 1130 1131 > >>