negaansho eeg negow. ld negaan.
negayaal (fiis.) Qayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
negayn eeg negee. ld nagayn.
negee Cid geeddi, socdaal iwm ka baajin. ld nagee.
negi (1) ld negaan.
negi (2) ld neg.
negow Wax socod, geeddi iwm ka baaqday noqosho. ld nagow.
nejis ld najaas¹.
nejisad ld najaas².
nejisnimo ld najaasnimo.
netuun Mid ka mid ah meerayaasha aad u fog oo lix jeer dhulka ka weyn.
neyruus 1. Sannad qorraxeedka la tirsado bilowgiisa. 2. Dabbaaldeg la sameeyo sannad qorraxeedka dhammaadkiisa.
nibiri ld neberi.
nicid eeg nac².
nicmad ld nicmo.
nicmee Wax xag kasta ka barwaaqayn. ld nimcee.
nicmeyn eeg nicmee. ld nimceyn.
nicmeysan Wax xag kasta ka barwaaqaysan ahaansho. ld nimceysan.
nicmeysnaan eeg nicmeysan. ld nicmeysnaansho, nimceysnaan, nimceysnaansho.
nicmeysnaansho ld nicmaysnaan.
nicmo Nabadgelyo, barwaaqo iyo caafimaad lagu suganyahay. ld nicmad, nimcad, nimco.
nicmooley Xayawaanka dadku manaafacaadsado sida geela, ariga iwm. ld nimcooley.
nidaam Hannaanka ay u dhisanyihiin wax kasta oo habeysan. ld nadaam.
nidaamdarro Hab iyo hannaan la raaco la'aan. ld nadaamdarro, nadaam-la'aan, nidaam-la'aan.
nidaami Wax la habeeyay ahaansho. ld nadaami.
nidaamin eeg nidaami. ld nadaamin.
nidaamla'aan ld nidaamdarro.
nidaamsan Wax la nidaamiyay ahaansho. ld nadaamsan.
nidaamsanaan eeg nidaamsan. ld nadaamsanaan, nadaamsanaansho, nidaamsanaansho.
nidaamsanaansho ld nidaamsanaan.
<< < 1131 1132 1133 1134 1135 1136 1137 1138 1139 1140 1141 > >>