Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaflad
barmaguur (fiis.) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
barmid eeg baran¹.
barmiil ld birmiil.
barnaamij Qoraal tusmeynayaa hawl la qabanayo nidaamkay u fulayso.
barnaan eeg baran². ld barnaansho.
barnaansho ld barnaan.
barni Nooc ka mid ah jaadadka timirta, midab bunni ah leh oo faradda u eg kase waaweyn.
barnoqod (xis.) Barta ugu sarreysa ama ugu hooseysa ee ku taalla xood, taas oo ah, bar halka uu kulanka iska beddelo min kordhid ilaa dhimid, ama min dhinmid ilaa kordhid, iyo weliba taabtuhuna waa uu jiifaa. Haddii isbeddelku yahay kordhid ilaa dhinmid waa barta ugu sarreysa.
baro (1) 1. Degaan lagu dhasho ama lagu dhaqmo; guri. 2. Goobta lagu cayaaro ciyaarta xayaadka.
baro (2) 1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2. U b.: wax caado ka yeelasho. Tus. “Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay”.
barood (1) 1. ld baroodid. Baabbacada uu geela sameeyo marka uu barwaaqeysanyahay. 2. B. ah: neef sii dhimanaya jirro awgeed.
barood (2) 1. Geel barwaaqeysan baabbaco sameyn. 2. Neef wax naftu markaa ka baxayso noqosho.
baroodid eeg barood². ld barood¹ (1), karood¹, karoodid.
baroole Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
barooq Mayrax la feeray oo aan weli wax lagu samayn.
baroor (1) Midab caddaan boor leh ah oo ay farduhu yeeshaan.
baroor (2) 1. Qaylo dheer cataw iyo ilmo leh oo ay haweenku sameeyaan marka ay dhibaato la kulmaan. 2. Meseggo aan bislaan oo sabuul ku taal.
baroor (3) Oohin iyo cataw kor ugu dhawaaqid.
baroorad ld baroorasho.
baroorasho eeg barooro. ld baroorad.
baroordiiq (1) 1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. ld baroordiiqid.
baroordiiq (2) U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.
baroordiiqid eeg baroordiiq². ld baroordiiq¹ (1).
baroori 1. Ka b.: qof baroor ka keenid. 2. Meseggo aan geedkii ku bislaan goyn. ld baroorsii.
baroorin eeg baroori. ld baroorsiin.
barooro (1) 1. Quwaaxa masaggada marka uu curdanka yahay ee aan la cuni karin. 2. Meseggo aan sabuulkeedii ku bislaan.
barooro (2) Haweeney dhibaato ay la kulantay awgeed, qaylo dheer oo cataw iyo ilmo leh samayn.
baroorsasho eeg baroorso. ld baroorsi.
baroorsi ld baroorsasho.
baroorsii ld baroori.
<< < 112 113 114 115 116 117 118 119 120 121 122 > >>

 

Exit mobile version