Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabakannaaxid
suxulduub (2) 1. Iyadoo gacmuhu laaban yihiin ordid. 2. U s.: wax qabashadooda u ordid. ld xusulduub².
suxulduubid eeg suxulduub². ld suxuulduub¹ (2), xusulduubid.
suxursaaxur S. ah: qof qaawan oo aan oogadiisa wax dhar ahi saarnayn.
suxuun eeg saxan¹.
suxuur Bisha soonqaad cuntada dadka soomaa cunaan marka waagu soo dhow-yahay; hiraab.
suxuurad ld suxuurasho.
suxuurasho eeg suxuuro. ld suxuu-rad.
suxuuri Cid suxuur siin.
suxuurin eeg suxuuri.
suxuuro Suxuur cunid.
suyac ld suyuc¹.
suyuc (1) Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. ld suyac.
suyuc (2) Wax la huuriyey ur xun yeelasho.
suyucid eeg suyuc².
suyucsan Wax suyucay ahaansho.
suyucsanaan eeg suyucsan. ld suyuc-sanaansho.
suyucsanaansho ld suyucsanaan.
<< < 113 114 115 116 117 118

 

Exit mobile version