Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dufni
qalloocsan ld qalloocan.
qalloocsanaan ld qalloocnaan.
qalloocsanaansho ld qalloocnaan.
qalloocsasho eeg qalloocso. ld qalloocsi.
qalloocsi ld qalloocsasho.
qalloocso Wax dhan u soo janjeersasho.
qalluud (1) Si miskiinnimo ah oo la isu muujiyo (qof). ld galluub¹.
qalluud (2) Si miskiinnimo ah isu muujin (qof). ld galluub².
qalluudid eeg qalluud². ld galluubid.
qalluudsan Wax miskiin iska dhigaya ahaansho (qof). ld galluuban.
qalluudsanaan eeg qalluudsan. ld galluubnaan, galluubnaansho, qalluudsanaansho.
qalluudsanaansho ld qalluudsanaan.
qalluul (1) Qarsashada cid wax ay qaybinaysay wax ka qarsato.
qalluul (2) Cid wax ay qaybineysay wax ka qarsasho.
qalluulid eeg qalluul².
qalmaan eeg qalin.
qalmashube ld qalinshube.
qalmid eeg qalan¹.
qalnaan eeg qalan². ld qalnaansho.
qalnaansho ld qalnaan.
qalniin 1. Jeexdin lagu sameeyo meel jirka nafleyda ka mid ah si loo daweeyo. 2. ld qalid.
qalo (1) Hal neef oo baadi ah.
qalo (2) 1. Dareen ku dhasha nafleyda marka ay taagan yihiin meel aysan hore u joogi jirin ama ay la kulmaan dad aysan aqoon. 2. Q. ah: neef baadi ah oo xoolo uusan aqoon u tegay.
qalo (3) Si loo cuno xoolo gowracasho.
qaloo (ooday, -ootay) Nafley qalo dareemid.
qalood eeg qaloo.
qaloombi (1) Dhawaaq xoog leh oo aan kala joogsi lahayn. ld qaloombiyid.
qaloombi (2) Dhawaaq xoog leh oo aan kala joogsi lahayn sameyn.
qaloombin ld qaloombiyid.
qaloombiyid eeg qaloombi². ld qaloombi¹, qaloombin.
<< < 1176 1177 1178 1179 1180 1181 1182 1183 1184 1185 1186 > >>

 

Exit mobile version