Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qardaas  Xaashi sida badan adag oo loo habeeyey in wax lagu rito. ld qirdaas.
qardab  ld qartab.
qardabee  Dhibaato qarsoon cid gaarsiin.
qardabeyn  eeg qardabee.
qardabid  ld qartabid.
qardabo  1. Nooc mallayga badda ka mid ah oo aan jurmi weynayn, lehna midab cad iyo dhibco yar yar oo madmadow. 2. Dhibaato qarsoon oo cid loo geysto. 3. ld qartabyo. 4. ld qardabeyn.
qardajeex1  Socod lagu maro meel dhir badan oo aan waddo la maro lahayn. qardajeex2  Meel dhir badan oo aan waddo lahayn marid. qardajeexid  eeg qardajeex². ld qardajeex¹.
qardajeexsii  Nafley meel dhir badan oo aan waddo lahayn marin.
qardajeexsiin  eeg qardajeexsii.
qardan  Qof ama nafley kale wax buuran ahaansho.
qardanaan  eeg qardan. ld qardanaansho.
qardanaansho  ld qardanaan.
qardayn  eeg qardee.
qardaysad  ld qardaysasho.
qardaysan  1. Dhul wax la qardeeyey ahaansho. 2. Qof faras iwm oo uu fuulay ku murqo go'ay ahaansho.
qardaysasho  eeg qardayso. ld qardaysad, qardaysi.
qardaysi  ld qardaysasho.
qardaysii  Cid wax amaah u siin.
qardaysiin  eeg qardaysii.
qardaysnaan  eeg qardaysan. ld qardaysnaansho.
qardaysnaansho  ld qardaysnaan.
qardayso  1. Dhul geedo ka gurasho si wax loogu beero ama hawl kale loogu qabsado. 2. Wax amaah ahaan cid uga qaadasho.
qardee  1. Dhul geedo ka gurid si wax loogu beerto ama hawl kale loogu qabsado. 2. Cid wax amaah ahaan u siin.
qardhaas  Warqad quraan ku qoran yahay ama wax kale oo inta idiin lagu dahaaro belaayo-xijaab ahaan loo xirto; xirsi.
qardhabo  1. Qalab yar oo bir ah oo ka kooban laba af oo is qabsata marka la isku riixo oo timaha iwm lagu sii-siibo. 2. Nooc ka mid ah kelbadaha. 3.Manqas.
qardho  Miro aan weli bislaan.
qardo  1. Dhul keyn ah oo aan waddo lahayn. 2. Miro aan weli bislaan. 3. Wax amaah ahaan loo qaato.
qardoo  1. Miro aan weli bislaan cuniddooda ku jirrasho. 2. Socod, fardo-fuul iwm ku jiiro-go'id.
page : 1194 of 1584
<< < 1189 1190 1191 1192 1193 1194 1195 1196 1197 1198 1199 > >>

 

Exit mobile version