Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qaybqaado  Ka q.: hawl, arrin iwm xubnaha fulinaya ka mid noqosho.
qaybsad  ld qaybsasho.
qaybsamid  eeg qaybsan¹.
qaybsan1  Wax la qaybiyey noqosho. qaybsan2  1. (f.g) Qof wax xafidsan ahaansho. 2. (f.g) Wax la qaybiyay ahaansho. 3. (f.mg) Ku q.: qof hawl, arrin iwm, fulinteeda iwm, lagu aaddiyey ahaansho. qaybsan unug  (baay.) Samaysanka laba unug oo mataanaysan oo ka yimid unugga waalidka. Marka hore waxa qaybsanta bu'da, taasi uu daba socdo samaysanka xuub u dhexeeya bu'aha mataanaha.
qaybsanaan  eeg qaybsan². ld qaybsanaansho.
qaybsanaansho  ld qaybsanaan.
qaybsasho  eeg qaybso. ld qaybsad, qaybsi.
qaybshaha ay wadaagaan  (xis.) Tirada haraa la'aan qaybisa laba ama dhawr tiro.Tusaale ahaan, 3 waa qaybshaha ay wadaagaan 12, 18 iyo 33. 3 waxa kale oo la oran karaa isirka ay wadaagaan 12, 18 iyo 33.
qaybshe  ld qaybiye.
qaybsi  ld qaybsasho.
qaybsii  Cid wax xafidsiin.
qaybsiin  eeg qaybsii.
qaybso  1. Wax dhowr meelood u kala dhigasho. 2. La q.: cid tartan la gelid.
qaybta kaadimareenka  (c.nafl.) Qaybta oo dhan ee isugu jirta dhuumo iyo faro oo kaadida ka soo qaada keliya dibeddana u saara. Waxay ka koobantahay: a) kaadi mareennada kaadihaysta ka sarreeya; b) kaadi haysta; c) kaadi mareenka hoose.
qaybta lafaha  (daaw.) Aqoonta ama ka shaqeynta toosinta qaabdarro uu keenay cudur ama waxyeello kale oo lafaha iyo xubno is goysyada ku dhaca.
qaybta liimbigada ee maskaxda  (c.nafl.) Qayb maskaxda ka mid ah oo ka kooban dareemayaal mareenno sameynaya xarun unugyeed kala duwan waxay qaabilsantahay dareenno dadka ku qarsoon oo nolosha laga maarmin iyo fahamada kuna xiran qaybaha qanjirdhiigga iyo dhaqaaqa ee jirka.
qayd  Dhul cabbirid.
qaydan  Wax la cabbiray ahaansho (dhul).
qaydar  Geed weyn oo qodax leh oo quraca la bah ah oo leh mayrax fiican iyo xabag la cuno.
qaydasho  eeg qaydo.
qaydid  eeg qayd².
qaydin  Ul dhuuban oo geela lagu ilaaliyo.
qaydin-hays  Q. ah: nin meesi xoolaad si joogto u ilaaliya oo aan ka harin.
qaydnaan  eeg qaydan. ld qaydnaansho.
qaydnaansho  ld qaydnaan.
qaydo  Dhul, qayb go'an cabbirasho.
qayid  eeg qay².
qayil1  Cunidda qaadka.
page : 1208 of 1584
<< < 1203 1204 1205 1206 1207 1208 1209 1210 1211 1212 1213 > >>

 

Exit mobile version