Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qooratayn  ld qoorasho.
qooratee  ld qooro².
qooratirsi  Ogaansha la ogaado inta rag ee ku jirta qolo si mag loo bixiyo ama loo qaybsado.
qoorato  1. Q. ah: col si gaadmo iyo dhumaleysi wax ku laaya. 2. ld qoorasho.
qoordiid1  Xiirmo yar oo qadaadka intiisa hoose lagu sameeyo. ld qoordiir¹ (2). qoordiid2  U q.: cid qadaadka u xiirid. ld qoordiir². qoordiidan  Qof loo qoordiiday ahaansho.
qoordiidasho  eeg qoordiido. ld qoordiirasho.
qoordiidid  eeg qoordiid². ld qoordiirid.
qoordiidnaan  eeg qoordiidan. ld qoordiidnaansho.
qoordiidnaansho  ld qoordiidnaan.
qoordiido  Qoordiid samaysasho (qof). ld qoordiiro.
qoordiir1  1. Q. ah: haad aan qoorta dhogor ku lahayn. 2. qoordiid¹. qoordiir2  ld qoordiid². qoordiirasho  ld qoordiidasho.
qoordiirid  ld qoordiidid.
qoordiiro  ld qoordiido.
qoorgoo  Nafley surka jug ka gaarsiin.
qoorgooye1  Cudur ka dhasha qaniinyada kudkudaha oo murqaha luqunta xanuunjiyo. qoorgooye2  (daaw.) Meninjiito. Halaamacoodka xuubabka maskaxda oo u keeno fiirus, ama baktiiriya keeno oof wareen, xabbad ama qaaxo. qoorgooyn  eeg qoorgoo.
qoorjabane  Ilmo aan dhammays ahayn oo hal siddeed ama sagaalbilood ku soo tuurto; afku-xuuble.
qoorkaddiid  ld qoorkaddiidid.
qoorkaddiidid  Diidmo; nacayb. ld qoorkaddiid.
qooro1  Xiniinyaha iyo haraggooda oo is wata. qooro2  Cid dhanka hore uga imaan. qoorqab  Neef lab oo aan xiniinyaha laga bixin.
qoorsasho  eeg qoorso. ld qoorsi.
qoorsi  ld qoorsasho.
qoorso  Ka q.: neef qoor ah cid ka amaahasho.
page : 1223 of 1584
<< < 1218 1219 1220 1221 1222 1223 1224 1225 1226 1227 1228 > >>

 

Exit mobile version