Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qoqobid  eeg qoqob².
qoqoble  Bayd faal, oo madaxa iyo tan majaha ka sarraysa min labo ka ah, manjaha iyo tan madaxa ka hooseysana min hal.
qoqobnaan  eeg qoqoban. ld qoqobnaansho.
qoqobnaansho  ld qoqobnaan.
qor1  1. Wax la qaybsanayo qeybta uu qof waliba xaq u leeyahay in uu helo. 2. Inta dheeraadka ah ee laga gooyo weel, ul iwm oo la farsameynayo. qor2  1. Xaraf, erey, hadal iwm meel ku astayn. 2. Cid shaqo siin. 3. Geed weel, ul iwm ka samayn. qoraa  Qof buugaag iyo maqaallo la akhristo qora. ld qore.
qoraaje  Maroodi lab.
qoraal  1. Wax xaanshi dusheeda ku qoran. 2. Habka farta loo qoro. 3. Waddo falfal ah. 4. Habka qalabka geedaha laga qoro loo farsameeyo. 5. ld qorid.
qoraal baali  Cilmiga baara farta qoraalka ee dadkii hore.
qoraalkii dadkii hore  Barashada fartii dadkii hore.
qorabixis  Qalab bir ah oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro; xalleefato.
qoran1  1. Qoraal wax meel lagu dhigay noqosho. 2. bir, qori iwm wax la farsameeyey noqosho. 3. Qof shaqo la siiyay noqosho. 4. Qof dhuuban, dheer oo jirkiisu isu miisaaman yahay noqosho. qoran2  1. Qoraal wax meel lagu dhigay ahaansho. 2. Bir, qori iwm wax la farsameeyey ahaansho. 3. Qof shaqo la siiyay ahaansho. 4. Qof dhuuban, dheer oo jirkiisu isu miisaaman yahay ahaansho. qorasho  eeg qoro.
qordhabe  Geed dheer, aan qodax lahayn oo laga goosto tiirar xooggan oo guryaha lagu dhisto.
qordi  Ku q.: qof isku deyid in uu qof kale wax gacantiisa ku jiro la qaybsado.
qordin  eeg qordi.
qore  ld qoraa.
qorequdde  Qori madow oo inta la jejebiyo kaneecada guryaha looga shido, oo gabdhaha la guday iyo naagaha umusha ah loogu uumiyo.
qorfe  Qolof udgoon oo dhirta shaaha lagu daro ka mid ah.
qorfo  Dhul oommane ah oo aan cidna joogin. ld qafro, qarfo.
qori  1. Geedaha intooda dhexe oo adag oo qolofta iyo mayraxda ka hoosaysa. 2. Laan jab ah oo qallalan. 3. Alwaax; loox. 4. Buntukh.
qori-ismaris  Qof mar dad ah marna iska dhiga waraabe isagoo is marinaya qori khaas ah (sheeko xariir).
qorid  eeg qor². ld qoraal (5), qoris, qoritaan, qorniimo, qorniin.
qorijiid1  ld qoriqaad¹. qorijiid2  ld qoriqaad². qorijiidid  ld qoriqaadid.
qorimo  Qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.
qoriqaad1  Neef loo qalo dad xabaal ka hawl galay. ld qorijiid¹.
page : 1225 of 1584
<< < 1220 1221 1222 1223 1224 1225 1226 1227 1228 1229 1230 > >>

 

Exit mobile version