raaridid eeg raarid².
raarmid eeg raaran¹.
raarnaan eeg raaran². ld raar-naansho.
raarnaansho ld raarnaan.
raaro Wax meel sare saarasho.
raarridid eeg raarrid.
raas 1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. ld raasi.
raasammaal 1. Hantida asaasiga ah ee ganacsi lagu bilaabo; lafo. 2. Hanti qof leeyahay. ld raasumaal.
raasammaali Qof hanti badan leh. ld raasummaali.
raashin Cuntada daruuriga ah ee dadku ku nool yahay; gasiin.
raasi 1. Dhul dhuuban oo badda aad u dhex gala. 2. ld raas (3).
raasow (bot.) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. ld raansow.
raasummaal ld raasammaal.
raasummaali ld raasammaali.
raasweyn Haweenay ubad iyo xoolo badan leh.
raatib 1. Quraan akhris, werdi iwm oo waqti go'an si joogto ah loo sameeyo. 2. (-byo, m.dh) Laba iniinood oo ka mid ah iniinaha tusbaxa oo tirooyin go'an u kala qaybiya tusbaxa middood. ld ratib¹ (1).
raawi 1. (f.g) Bir si ay u simanto garaacid. 2. (f.mg) Si isla helid ah sacab u tumid.
raawin eeg raawi. ld raawis¹ (1).
raawis (1) ld raawin; ld raawisid(2).
raawis (2) Mindi iwm gabowday oo aan wax goyn karin. ld saawir.
raawis (3) Gaadiid-badeed majare u toosin.
raawisid eeg raawis³. ld. raawis¹ (2).
raawisnimo Mindi raawis ahaansho. ld saawirnimo.
raaxayn eeg raaxee. ld raaxo (2).
raaxaysad ld raaxaysasho.
raaxaysan Wax raaxo ku jiro ahaansho.
raaxaysasho eeg raaxayso. ld raaxaysad, raaxaysi.
raaxaysi ld raaxaysasho.
raaxaysnaan eeg raaxaysan. ld raaxaysnaansho.
raaxaysnaansho ld raaxaysnaan.
<< < 1245 1246 1247 1248 1249 1250 1251 1252 1253 1254 1255 > >>