rogmasho eeg rogmo. ld rogmad.
rogmid eeg rogan¹.
rogmo 1. Wax qalibmay noqosho (baabuur). 2. Wax sidii ay ahaayeen si ka duwan noqosho. 3. Hoore wax karaya noqosho. 4. Nafley wax tirtirantay noqosho.
rognaan1 eeg rogan². ld rognaansho. rognaan2 U beddelidda hal isku naanays obtikeed loo beddelo mid kale. rognaansho ld rognaan¹.
rogo 1. Wax dhiniciisa sarreeya hoos marsasho. 2. Qof la legday oo laga sarreeyo qofkii legday geddisasho. 3. Ka r.: alaab gaadiid saaran ka degsasho. 4. Ku r.: wax, wax qarin karo ku gambisasho.
rogob 1. Hilib yaryar oo ku hara haragga neef la qalay. 2. Mullaax. ld rokob, roqob.
rogobsad ld rogobsasho, rogob, roqob.
rogobsasho eeg rogobso. ld rogob-sad, rogobsi, roqobsad, roqobsasho, ro-qobsi.
rogobsi ld rogobsad, rogobsasho.
rogobso Harag rogob ka gurasho. ld roqobso.
rogrog1 1. Gedgeddinta wax la gedgeddiyo. 2. Caano yar oo weel la culay carka looga bi'iyo. rogrog2 1. Wax gedgeddin. 2. Lacag yar ganacsi ku samayn. 3. Weel la culay caano yar car uga bi'in. rogrogad ld rogrogasho.
rogrogasho eeg rogrogo. ld rog-rogad.
rogrogid eeg rogrog².
rogrogo Lacag yar ku mushtarid.
rokbi ld rogbi.
rokbin ld rogbin.
rokob ld rogob.
roob (fiis.) Dhibco biyo ah oo kala baxsan oo ku da'a dhulka kana soo da'a daruuraha, waxaana sameeya qaboob-ka xarfadka ku dhaca uumi biyoodka gibilka.
roob ka jeed Meel celceliska roobka ay heshaa uu yaryahay maxaa yeelay silsillo buuro ah ayaa ka xira dabaylaha roobka keena ee meeshaas ka dhaca.
roob-deyreed (c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ee ugu badan roobabaka ka da'a Bariga Afrika, sannadkii, laga billaabo Oktoobar ilaa Disembar.
roob-gu'eed (c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ugu waaweyn midkood oo sannadkii laga helo Afrikada Bari, kaas oo da'a inta u dhexeysa bilaha Febraayo iyo May.
roobabbow Wakhti roob da'ayo.
roobban Dhul wax roob helay ahaansho.
roobbanaan eeg roobban. ld roobbanaansho.
roobbanaansho ld roobbanaan.
roobbeeg Qalab lagu cabbiro heerka roob da'ay.
page : 1274 of 1584
<< < 1269 1270 1271 1272 1273 1274 1275 1276 1277 1278 1279 > >>