Rogrog

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga:

1. Gedgeddinta wax la gedgeddiyo. 2. Caano yar oo weel la culay carka looga bi'iyo.


Rogrog

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-gay, -gtay)

1. Wax gedgeddin. 2. Lacag yar ganacsi ku samayn. 3. Weel la culay caano yar car uga bi'in.


Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga rogrog

aaway | geddis | gedgeddi | guluc | gulucsii | isrogrog | laballegdee | lugduub | macaashle | majiiro |
ld = la-mid / variant
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg