saabuun (kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.
saabuunayn Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
saac 1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.
saacad 1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.
saacaddiya Neef si xoog leh loo soo saaro marka la qaadayo qasiiddada digriga.
saaci Wax soo socda saadaalin.
saacid Cid u kaalmayn.
saacidid eeg saacid.
saacin eeg saaci.
saad Sii sheegidda la sii sheego wax dhici doona.
saad1 1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj. saadaal 1. Astaamo iyo calaamado muujinaya wax dhici doona. 2. Malaynta wax dhici doona la maleeyo; odoros. saadaal
saadaal-cudur (daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.
saadaali Wax aan weli dhicin inay dhici doonaan sii sheegid.
saadaalin eeg saadaali.
saadari Doonta labadeeda cayaari ee hore xargahooda.
saaddambe Maalinta berri iyo saakuun u dhexeysa.
saaddo 1. Xabadka. 2. Garanbiyoole.
saadi Wax dhici doona sii sheegid.
saadin eeg saadi. ld saadis.
saadis ld saadin.
saado Dhibaato qof aanay hayn saadsasho.
saado1 S. ah: dad sharaf leh. saado2 Qof jid dheer maraya cunto caloosha ka buux-sasho. saadsad ld saadsasho.
saadsasho eeg saadso. ld saadsad, saadsi.
saadsi ld saadsasho.
saadso Wax siraadsasho; saraadasha; wax xun isu saa-din.
saaf1 1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid. saaf2 Hilib jiir ah balballaarin.
page : 1285 of 1584
<< < 1280 1281 1282 1283 1284 1285 1286 1287 1288 1289 1290 > >>