saalimo Midab madow oo ay iduhu ku yeeshaan barida ama agagaarka sabiisha.
saalimow Hangool yar oo gadaal farraarro dhawr ah ku leh oo madow, loona subko oo suufiyada qaarkood qaataan.
saalo Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.
saaloo Geel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.
saalood eeg saloo.
saam Kaltanka heeganka.
saamaan ld saabaan.
saamaggade Cayayaan yaryar oo lugo badan leh iyo midab caddaan xigeen ah oo tiro badan u wada socda.
saamajiid1 Si caajis iyo itaaldarro ku jirto oo loo socdo. saamajiid2 Si caajis iyo itaaldarro ku jirto u socosho. saamajiidid eeg saamajiid.
saamax1 Dhaafidda laga dhaafo dembi ama deyn cid qabtay. ld saamaxaad. saamax2 Wax xun oo cid fashay ama loo haystay ciqaabtii ay mutaystay ka cafin. saamaxaad ld saamax¹.
saamayn eeg saamee. ld saamays.
saamays ld saamayn.
saamee 1. Wax raad ku reebid. 2. Wax cid khuseyn.
saami1 1. Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo. 2. Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari. 3. Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. ld sahmi¹ saami2 (xis.) Saamiga laba xaddi ama laba walax xisaabeed A iyo B waa qaybta ma jajabka labada xaddi A/B oo loo qoro A : B. 5. Tiro ama xaddi loo qaybiyey mid kale. Saamiga laba xaddi oo doorsoomeyaal ah x iyo y, oo loo qoro x/y ama x : y, waa madoorsome addooy saa-migal u tahay x. saami3 Wax sida loo kala leeyahay u qaybin. saamiggal (xis.) Isgarabdhigidda laba ama dhawr saami. Haddii, tusaale ahaan, a, b, c ay yihiin saddex tiro oo ay a:b:c = 2:3:5, warkaa a/2, b/3, c/5 waxa la yiraahdaa waxa ay saamiggal u yihiin 2, 3, 5, xiriirkuna waxa loo muujin karaa a=b=c. Sidaa oo kale, waxa aan oran karna a:b = 2:3, b:c = 3:5, iyo a:c = 2:5.
saamile Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. ld sahmile.
saamiley Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.
saamisuge 1. Qof meel xoolo lagu saanyanayo yimid oo in wax la siiyo sugaya. 2. Qof mashaqayste ah oo mar walba in wax la taro sugaya.
saamixid eeg saamax².
saamiyid eeg saami². ld saanyid.
saan 1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.
saanac Qof farsamo yaqaan ah.
saanad Xabbadaha buntuqa laga rido oo lagu dagaalamo; ra-saas.
saanahasho eeg saanaho.
page : 1287 of 1584
<< < 1282 1283 1284 1285 1286 1287 1288 1289 1290 1291 1292 > >>