sahaysasho eeg sahayso. ld sahaya-sho.
sahayso Cunto sahay ka dhigasho. ld sahayo.
sahlan Wax aan dhi-baato lagala kulmin ahaansho.
sahlanaan eeg sahlan. ld sahla-naansho.
sahlanaansho ld sahlanaan.
sahlasho eeg sahlo.
sahlid eeg sahal².
sahlo Wax, wax dhib yar ka dhigasho.
sahmi1 1. ld saami¹. 2. Habeen barkii. sahmi2 ld sahami². sahmile ld saamile.
sahmin ld sahamin.
sahmis ld sahamin.
saho 1. Mindi iwm af u yeelasho. 2. Ku s.: wax ku xoqasho.
sahra Xiddig weyn oo arooryada hore soo baxa; xiddig waaberi.
sahwi1 Illowshaha wax la kala illaawo. sahwi2 1. Wax kala illaawid. 2. Feker dheer gelid (qof). sahwin ld sahwiyid.
sahwisan Wax sahwiyey ahaansho (qof).
sahwisanaan eeg sahwisan. ld sahwisanaansho.
sahwisanaansho ld sahwisanaan.
sahwisii Qof wax illowsiin.
sahwisiin eeg sahwisii.
sahwiyid eeg sahwi². ld sahwin.
sahyuuni Qof aaminsan sahyuuniyadda.
sahyuuniyad Dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid diineed oo ku dhisan mabda'ujeeddadiisu tahay in Yuhuudda la ururiyo, la mideeyo oo loo helo meel la dejiyo.
sajaayad Salli yar oo lagu tukado. ld sijaayad.
sajarasho eeg sajaro.
sajaro Qof aan dembi lahayn galaafasho.
sakaar Bartamaha xabadka halka ay feeraha sare isaga yimaadaan.
page : 1301 of 1584
<< < 1296 1297 1298 1299 1300 1301 1302 1303 1304 1305 1306 > >>