salleelnimo ld salleellinimo.
salli1 1. Duco gaar ah oo Muslimiintu Nabiga ugu duceeyaan. 2. Gogol yar oo lagu tukada. 3. Derin yar. salli2 Ku s.: Muslimiin, duco gaar ah Nabiga ugu ducayn. sallid1 Ibtilo. sallid2 ld sallad². sallidan ld salladan.
sallidid eeg sallid².
sallikaroon Derin yar oo in yar ka weyn salliga oo lagu fariisto laguna tukado.
sallim Wax dhiibid. ld sellim.
sallimid eeg sallim. ld sellimid.
sallin ld salliyid.
sallixid eeg sallax².
salliyid eeg salli².
sallo Rako fidsan.
saloobid eeg salow¹.
saloog1 1. Wax dheer oo taagan. 2. Geed dheer oo aan laamo iyo caleen midna lahayn. 3. ld saloogid. saloog2 Xarig iwm isku soohid. saloogan1 Xarig iwm wax isku marmay noqosho. 2. Nafley caato noqosho. saloogan2 Xarig iwm wax la soohay ahaansho. saloogid eeg saloog². ld saloog¹ (3).
saloogmid eeg saloogan¹.
saloognaan eeg saloogan². ld saloog-naansho.
saloognaansho ld saloognaan.
salool1 1. Hilib odkac ah oo subaggii laga miiray. 2. Badar, raran kulul ama dufan lagu dubay. salool2 Hilib salool ka dhigid. saloolad ld saloolasho.
saloolasho eeg saloolo. ld saloolad.
saloolid egg salool².
saloolo 1. Badar raran ama dufan ku dubasho. 2. Ariga iyo ugaarta qaarkeed, si ay u daaqaan jeenyaha geed ku qabsasho.
salooto 1. Qolka fadhiga. 2. Qalabka lagu fariisto ee qolka fadhiga la dhigo.
page : 1307 of 1584
<< < 1302 1303 1304 1305 1306 1307 1308 1309 1310 1311 1312 > >>