samirsiis ld samirsiin.
sammaad1 Dammaad. sammaad2 Qof wax miyir beelay noqosho. sammaadid eeg sammaad².
sammi1 Qof, qof kale ay isku magac yihiin. sammi2 (nax.) Labo erey oo isku micno leh. Tus. “irrid” iyo “illin”. sammi3 Ku s.: qof, qof kale ugu magac darid. sammin ld sammiyid.
sammiyid eeg sammi³. ld sammin.
samo1 ld samaan². samo2 Cir. samoolad 1. Roob da'a xilliga xagaaga ah. 2. Xiddig magaciis. ld samuulad.
samow Wax san noqosho.
samri ld sabri.
samrid ld sabrid.
samrin ld sabrin.
samsam Biyo laga helo ceel kacbada ku yaal.
samuulad ld samoolad.
samuun (juqr.) Gudaha Iran, waa dabayl kulul, oo qallalan, oo ah nooca Fohn, taas oo ka soo dhacda buuraha kurdistaan. Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
san1 1. Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexeysa oo laba dalool leh oo laga neefsado waxna lagu uriyo. 2. Meel ka soo fiiqan qararka iyo buuraha oo san u eg. 3. Daliig yar oo harag ah oo hargaha kale layskula tolo. san2 Wax dhibaato, xanuun iwm aan qabin ahaansho. sanaag Dhul buuraley ah.
sanaani Xayawaan yar oo bacool ku dhex jira lehna faro uu wax ku qabsado oo badda ku nool lana cuno oo leh qanjiro dhala wax khad madow la moodo oo uu ku kaydsado kolay yar oo oogadiisa ku yaal.
sanac Wax nasiib wanaagsan.
sanad ld sannad.
sanagguuro ld sannadguuro.
sanam Wax laga sameeyey dhagax, qori iwm oo dadka qaarkiis caabudaan.
sanan Waxyaabo aan cilmi ku dhisnayn oo badanaa la rumaysto lagana baqdo. ld senen.
sanbab ld sambab.
sanbuur Duub jilicsan oo maro iwm ka samaysan oo haweenka dhabarka wax ku qaadaa sabarka ku xirtaan si uu culayska uga celiyo.
page : 1311 of 1584
<< < 1306 1307 1308 1309 1310 1311 1312 1313 1314 1315 1316 > >>