Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
sancan  Wax nasiib wanaagsan ahaansho.
sancanaan  eeg sancan. ld sanca-naansho.
sancanaansho  ld sancanaan.
sancayn  eeg sancee. ld sancays.
sancays  ld sancayn.
sancee  1. Wax samayn. Tus. “Cali baa dhob dheri ka sanceeyey. 2. Wax daaweyn”.
sanco  1. Si aqoon iyo tab ah oo wax loo qabto; farsamo. 2. Nabar-rada iyo cudurrada oo si aqoon leh loo daweeyo. 3. Aqoon hawl gaar ah loo leeyahay; xirfad.
sandaal  1. Gafuurka xoolaha. 2. Hoggaan.
sandahan  Qof, qof kale wax siintiisa u jajaban.
sandahnaan  egg sandahnaan. ld sandahnaansho.
sandahnaansho  ld sandahnaan.
sandal  1. Geed dheer oo ka baxa Aasiya, Ostaraaliya iyo jasiiradaha Badweynta Deggan oo udgoon, waxaana laga sameeyaa santuukhyada qoraalka lagu xardho, ulaha babbisyada iyo saqafaha. 2. Dhir udgoon iyo saliid la isku qooshey oo raggu oogada marsado.
sandaleele  Qof hoodaddo sameeya. ld sandameeme.
sandaleelee  Qof hoodaddeyn.
sandaleeleyn  eeg sandaleelee.
sandameeme  ld sandaleele.
sandulle  1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xarigga lagu hoggaaminayo loogu xiro. 2. S. ah: qasab; xoog.
sandullee  Cid qasbid.
sandulleyn  eeg sandullee. ld sandulleys.
sandulleys  ld sandulleyn.
sandulleysan  Nafley wax la sandulleeyey ahaansho.
sandulleysnaan  eeg sandulleysan. ld sandulleysnaansho.
sandulleysnaansho  ld sandulleys-naan.
sanduuq  1. Shay ka samaysan qori alwaax ah ama bir oo dharka iyo alaabta lagu rito. 2. Meel lagu kaydiyo hanti hay'adeed iwm. ld santuukh.
sanduuqa codka  (baay.) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dha-waaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu.
saneeg  Kolmo ka lalmada sanka geela oo ka dhasha santuur lagu sameeyey.
sangaalle  Tixri sanka geela iyo ariga gudihiisa ku dhasha. ld sangal.
sangal  1. Kintir. 2. Sangaalle.
sange  ld senge.
sangooti  Koox fardo dhufaanan ah oo xoogna leh.
page : 1312 of 1584
<< < 1307 1308 1309 1310 1311 1312 1313 1314 1315 1316 1317 > >>

 

Exit mobile version