santeecsanaan eeg santeecsan. ld santeecsanaansho.
santeecsanaansho ld santeecsanaan.
santeecsasho eeg santeecso.
santeecso Kursi, derbi iwm ku tiirsasho.
santi ld senti.
santuukh ld sanduuq.
santuur1 Qori marka hashu ilmaha diiddo sanka looga xiro oo mayrax lagula duubo. santuur2 Hal ilmo diiddey sanka qori uga xirid. santuuran Hal wax la santuuray ahaansho.
santuurnaan eeg santuuran. ld santuurnaansho.
santuurnaansho ld santuurnaan.
sanuun1 1. Sunbaax ama urta ka soo baxda hilib la shiilayo ama la dubayo. 2. Saac-xumo dhacda oo wax kasta khayrka ka qaadda. sanuun2 Hilib la shiilayo ama la solay sunbaaxid. sanuunad Iidaan ka samaysan hilib, khudaar, dufan iyo geedo udgoon oo la isku shiilay; suugo.
sanuunadayn eeg sanuunadee.
sanuunadaysan Wax sanuunad leh ahaansho.
sanuunadaysnaan eeg sanuuna-daysan. ld sanuunadaysnaansho.
sanuunadaysnaansho ld sanuuna-daysnaan.
sanuunadee Cunto sanuunad u yeelid.
sanuunid eeg sanuun².
saq 1. Hurdo dheer. 2. Habeen bar.
saqaaf1 ld saqaafe. saqaaf2 Macne la'aan socosho. ld saqaafee. saqaafe Socod warwareeg ah oo lagu qaraabto. ld saqaaf¹.
saqaafee ld saqaaf².
saqaafeyn ld saqaafid.
saqaafid eeg saqaaf². ld saqaafeyn.
saqaf1 ld saanqaaf. saqaf2 Qori xalleefsan, ilko leh timaha dhaadheer lagu shanleeyo. saqafayn eeg saqafee.
page : 1315 of 1584
<< < 1310 1311 1312 1313 1314 1315 1316 1317 1318 1319 1320 > >>