Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qoto-ekeeye
sarmaan (sarmaan, m.dh) Geedqodax salka u buuran leh oo xabag macaan iyo asal wanaagsan oo wax lagu carariyo leh, xididdadiisana dhigo laga samaysto.
sarmaseegtayn eeg sarmaseegtee. ld surmaseegtayn.
sarmaseegtee Sarmaseegto samayn. ld surmaseegtee.
sarmaseegto Nabar meeshii lala rabay lala waayo oo meel kale lagu dhufto. ld surmaseegto.
sarmo Nabar jeex yar leh oo aan haragga dhaafsanayn.
sarnaan eeg saran. ld sarnaansho.
sarnaansho ld sarnaan.
sarniin ld sarid.
saro (1) Sumoobidda wax sumoobaan. ld sadho.
saro (2) Wax dillaac yar u yeelasho.
sarqaalibasho eeg sarqaalibo.
sarqaalibo Wax, wax kale moodid ama u qaadasho.
sarqaan ld sakhraan¹.
sarraaf Qof lacagaha qalaad isku beddela oo sarrifa.
sarraafad Qarashka loo qaato in maalin ama ka badan la mas-ruufto; masruuf.
sarrax Xabad; gaaddo.
sarrayn eeg sarree.
sarraysii Ka s.: wax, wax kale ka kor marin.
sarraysiin eeg sarraysii.
sarree Ka s.: wax, wax kale kor saaran ama ka derejaweyn ahaansho.
sarreen Badar iniino yaryar oo bariis u eg leh adduunka oo dhanna laga cuno, marka la shiidana bur noqda.
sarreeye 1. Ilaah. 2. Daraja sare oo askareed; jeneraal. 3. Xisaab jajab ah oo la qaybinayo tan kor la dhigo.
sarrif (1) 1. Lacag jajab ah oo qiimaheedu santiyaal yahay. 2. ld sarrifid.
sarrif (2) Lacag isku taal googo'u dhigma u beddelid.
sarrifan Lacag wax la sarrifay ahaansho.
sarrifasho eeg sarrifo.
sarrifid eeg sarrif². ld sarrif¹ (2).
sarrifnaan eeg sarrifan². ld sarrif-naansho.
sarrifnaansho ld sarrifnaan.
sarrifo Lacag isku taal jajab u beddelasho.
<< < 1315 1316 1317 1318 1319 1320 1321 1322 1323 1324 1325 > >>

 

Exit mobile version