satiyaysan Wax la satiyeeyey ahaansho.
satiyaysnaan eeg satiyaysan. ld satiyaysnaansho.
satiyaysnaansho ld satiyaysnaan.
satiyee Baaquli sati u samayn.
saw ld sow.
sawaab (1) Dhaandhaan; nacas.
sawaab (2) Abaalmarinta Ilaah qof wax fiican sameeyey abaalmariyo.
sawaab (3) Cid dhaan-dhaamid.
sawaaban Dhan-dhaan ahaansho.
sawaabi Ka s.: cid dhimatay sadaqo la bixiyay Ilaah in uu ajar ka siiyo u baryid.
sawaabid eeg sawaab³.
sawaabin eeg sawaabi.
sawaabnaan eeg sawaaban. ld sa-waabnaansho.
sawaabnaansho ld sawaabnaan.
sawaariikh eeg saryuukh.
sawaaxil Dhul xeebeed.
sawax (1) Qaylo dheer.
sawax (2) Cid aad u qaylin.
sawaxan Buuq badan ama qaylo dheer.
sawaxid eeg sawax².
sawayn ld saawayn.
sawd Cod; dhawaaq; luuq.
sawee ld saawee.
sawir (1) 1. Muuqaal u eg nafley ama wax kale oo gacanta lagu masawiray ama aalad wax sawirta. 2. Qof aan caqli lahayn; nacas.
sawir (2) Gacan ama aalad wax suuraddooda ku muujin.
sawiran (1) Wax la sawiray noqosho.
sawiran (2) Wax la sawiray ahaansho.
sawirid eeg sawir².
sawirle Qof aaladda wax sawirta ku shaqeeya oo aqoon u leh.
sawirmid eeg sawiran¹.
<< < 1317 1318 1319 1320 1321 1322 1323 1324 1325 1326 1327 > >>