seejis ld seejin.
seeme Billaawe weyn oo lagu dagaallamo; golxob.
seemid eeg seen².
seemman 1. Ari ama lo'wax aan geeso lahayn ahaansho. 2. Madax wax timaha laga xiiray ahaansho. 3. Cayaar carruureed qof, wax la taabtay ahaansho.
seemmanaan eeg seemman. ld seemmanaansho.
seemmanaansho ld seemmanaan.
seen1 1. Kabaha la tolay jaanta ugu horraysa ee qofka cagtiisa lagu cabbiro. 2. S. ah: koombo iwm oo waxa ku jiraa afka la siman yihiin. seen2 1. Cayaar carruureed qof, wax la taabtay noqosho. 2. Madax, wax timaha laga xiiray noqosho. 3. Dhir laamaheeda la simay ahaansho. seenlaawe S. ah: weel waxa ku jiraa afkiisa ayna ka sarreyn.
seenyo Neef ari ama lo'ah aan geeso lahayn.
seenyoon Ari, wax aan geeso lahayn ahaansho.
seenyoonaan eeg seenyoon. ld seenyoonaansho.
seenyoonaansho ld seenyoonaan.
seeqaan ld jeegaan.
seer1 1. Laba dal oo isku qabsan ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo qaybisa. 2. Falka la sameeyo, marka qof saar ama Boorane laga saarayo (tumayo). seer2 1. Laba dal oo isku qabsan ama gobollo, beero iwm xarriiq kala qaybisa u samayn. 2. Cid mingis, boorane iwm ka muddeyn. ld seeree. seeraar Ka s.: wax, wax ku gudbanaa dhaafid. seeraari lg2 (-iyay, -isay) Wax la tuurayo si ay meel shishe oo aan muuqan ugu dhacaan, wax dheer oo soke dusha ka marin.
seeraarid eeg seeraar.
seeraarin eeg seeraari. ld seeraaris.
seeraaris ld seeraarin.
seeran 1. Dhul iwm wax xuduud leh ahaansho. 2. Dhul wax xirmaysan ahaansho. 3. Cid wax mingis, boorane iwm laga tumay ahaansho.
seerasho eeg seero. ld seeraysasho.
seerayn ld seerid.
seeraysasho ld seerasho.
seerayso ld seero.
seere 1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.
seeree 1. ld seer 2. Dhul in muddo ah daaq ka xayirid. 2. Xabbad la riday meel la waayid.
seeri 1. Firimbi. 2. Dhul ka fog biyaha oo oomane ah.
seerid eeg seer. ld seerayn.
seeriwale Laba kooxood oo cayaar kubbadeed isaga soo horjeeda, qofka dhexdhexaadinaya oo seeriga u haya; garsoore. ld siiriwale.
page : 1328 of 1584
<< < 1323 1324 1325 1326 1327 1328 1329 1330 1331 1332 1333 > >>