shallay Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. ld shallayto.
shallayto ld shallay.
shalmaan Qoryo heeraabka afka ku wada haya oo doonyaha feero u ah.
shalmad 1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Gar-basaar yar oo gabdhuhu luqunta saartaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dul saaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jira uu qaato.
shalwasho eeg shalwo.
shalwi Wax meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku ridid.
shalwin eeg shalwi.
shalwo Ku sh.: meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku dhicid.
shamac 1. Xanjo shinnidu samaysato oo malabka ku kaydsato. 2. Ul dhuuban oo xayr ka samaysan oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la daaro ama shidma. ld shimic, shumac.
shamal Nooc cayaaraha shacbiga ka mid ah oo jiib, jaan iyo sacab lagu dheelo.
shambi Curri.
shambisgeys Geedgaab aan qodax lahayn oo daawo laga sameeyo.
shamiintayn eeg shamniitee.
shamiintee Wax shamiinto marin.
shamiinto1 Budo marka lagu qaso ciid, nuurad iwm dhagxanta, bulukeetiyada iwm ee wax lagu dhisayo la iskula qabto. shamiinto2 (jool.) Iskujir budaysan oo ka kooban silikeytyada iyo luumineytyada kaalsiyam, kaas oo ka samaysmay didib (CaCO3) iyo dhoobo la isku kululeeyey ka dibna la ridkay. Marka lagu qaso biyaha, waxa dhaca falgallo; kuwaas oo sameeya adke adag oo alluumiinno silikeyt ah. shammaal Dabayl xilliga xagaaga ah woqooyi ka timaadda.
shammir Meel cammirid (dad).
shammirid eeg shammir.
shamrad Qolalka guriga kan sariirtu taal oo la seexdo.
shamuum Ku sh.: nafley badan meel isugu ururid.
shamuumid eeg shammum.
shamuumsan Nafley meel ku xoonsan ahaansho.
shamuumsanaan eeg shamuumsan. ld shamuumsanaansho.
shamuumsanaansho ld shamuum-sanaan.
shamuurey Nooc meseggada ka mid ah oo midab guduudan leh.
shan 1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; “5”. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.
shanaad Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma shanta.
shanaq Cid deldelid.
shanayn eeg shanee.
page : 1340 of 1584
<< < 1335 1336 1337 1338 1339 1340 1341 1342 1343 1344 1345 > >>