sheegsasho eeg sheegso. ld sheegsad, sheegsi.
sheegsi ld sheegsasho.
sheegso Qof cidda uu ka dhashay wayddiin.
sheekabaraley Hadal ama sheeko aan runta ku fadhiyin.
sheekasheeko Hadal aan murti badan lahayn oo waqtiga laysku dhaafiyo. ld sheekosheeko
sheekaxariir ld sheekaxariiro.
sheekaxariiro Sheeko murti leh, la mala-awaalo oo soo gudbisa dhaqanka dadka; maantooley. ld sheeka-xariir.
sheekayn eeg sheekee. ld sheekays.
sheekays ld sheekayn.
sheekaysad ld sheekaysasho.
sheekaysasho eeg sheekayso. ld sheekaysad, sheekaysi.
sheekaysi ld sheekaysasho.
sheekayso Cid sheeko la yeelasho.
sheekee Qof, sheeko sheegid.
sheekh ld shiikh.
sheeko 1. Hadal taxane ah oo dhacdo run ama been ah wax ka sheegaya. 2. Wax laysu sheego.
sheekosheeko ld sheekasheeko.
sheel (1) 1. Meel wax lagu qarsado. 2. Xabsi.
sheel (2) Wax qarin.
sheelid eeg sheel.
sheellarayn eeg sheellaree.
sheellare Bir xalleefsan, shukaanta halkeeda hoose ku taal oo marka cagta lagu riixo uu kordho xawliga wareegga matoorku.
sheellaree Xawliga matoorka kordhin.
sheelo Galka xaniinyaha oo weynaada xiidmaha oo soo gala awgeed.
sheelo-biyood (daaw.) Biyo ku ururka kiishka xiniinyaha.
sheeloobid eeg sheelow.
sheelow Sheelo qaadid.
sheelto Ciyaarta tammaanka dhibcaha lagu kala badiyo middood.
sheemid eeg sheen².
sheemo ld shiimo.
<< < 1344 1345 1346 1347 1348 1349 1350 1351 1352 1353 1354 > >>