shidnaansho ld shidnaan.
shidni Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh. ld shadni.
shido 1. Nal, raadiye iwm daarasho. 2. Dab iwm hursasho.
shifaysad ld shifaysasho.
shifaysasho eeg shifayso. ld shifaysad, shifaysi.
shifaysi ld shifaysasho.
shifayso Wax kalsooni iyo iimaan ku qabid.
shifo 1. Caafimaad wax lagu cuno ama lagu cabbo; fayoobi; ladnaan. 2. (e.d) Erey duco ah oo cuntada ama cabidda horteeda la yiraahdo, ama qof saxday lagu yiraahdo; salaama!.
shig Iin darteed hadal si dhib leh oo googo'an ugu dhawaaqid.
shigid eeg shig.
shiica (dii.) Dugsi ka mid ah dugsiyada fiqiga islaamka.
shiici (dii.) Sh. ah: qof nidaamka shiicada raacsan.
shiid1 1. Dhar dun adag, midabyo badan oo dumarku qaato. 2. (-dad, ml.) Laba dhagax oo isku dul wareega oo badarka lagu ridqo. 3. Dhagax. shiid2 1. (f.g) Cid dhagax ku tuurid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.g) Laba dhagax oo is dulsaaran badar ku daqiijin. 4. (f.mg) Biyo hoos ugu degid. shiidaad ld shiddo.
shiidaadi Cid dhibaatayn.
shiidaadin eeg shiidaadi.
shiidaado Kulan la isugu yimaad xus, aroos iwm.
shiidan1 Badar iwm wax la shiiday noqosho. shiidan2 Wax la shiiday ahaansho. shiidid eeg shiid².
shiidmid eeg shiidan¹.
shiidnaan eeg shiidan². ld shiid-naansho.
shiidnaansho ld shiidnaan.
shiifow Cudur lo'da ku dhaca oo indhaha iyo afka biyo ka keenaan; cundugul.
shiikh 1. Nin diinta aad wax uga yaqaan; caalim. 2. Sh. ah: neef ido ah oo wada cad. ld sheekh.
shiikh-habaabis Qof hadal badan, been-low ah hadalkana qurxiya oo run u ekey-siiya.
shiikhnimo (dii.) Shiikh ahaansho.
shiil1 1. Qodob madaxiisa ballaaran oo inta la kululeeyey wax buka lagu gubayo. 2. Barta ama raadka uu oogada ku reebo dabkaas. 3. Sh. ah: dhagax madow oo marka la isku dhufto dab bixiya. 4. Sh. ah: midab aad u madow oo dadku yeesho. shiil2 Dhagax dab lagu kululeeyey oo caddaaday.
page : 1351 of 1584
<< < 1346 1347 1348 1349 1350 1351 1352 1353 1354 1355 1356 > >>