Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
signaansho  ld signaan.
sigo  Halis u dha-waansho.
sigtin  Ku dhawaanshaha nafley halis kaabiga u gaadho.
sii1  1. (nax) Qurub tilmaamaya in falku uu ka fogaanayo hadlaha ama yeelaha. Tus. “Sii durug!. Guriga sii gal!” 2. Qurub tilmaamaya kordhin. Tus. “Arrintu way sii xumaatay”. 3. Qurub tilmaamaya sii socosho fal. Tus. “Hadalka sii wada!”. sii2  1. Qof wax milki uga dhigid. 2. Qof wax u dhiibid. siib1  Laba barshin oo caw ah. siib2  Qodax, musbaar, xidid iwm oo meel ku jirey ka soo saarid. siiba  Gaar ahaan. Tus. “Cali wuu hadal badanyahay, siiba markuu marqaansan-yahay”.
siibad1  ld siibasho. siibad2  Dayr; heeraar. siiban1  Wax la siibay noqosho. siiban2  Wax la siibay ahaansho. siibasho  eeg siibo. ld siibad¹.
siibid  eeg siib².
siibmid  eeg siiban¹.
siibnaan  eeg siiban². ld sibnaansho.
siibnaansho  ld siibnaan.
siibo  Qodax, musbaar, xidid iwm oo meel ku jirey ka soo bax-sasho.
siic1  1. Dhega-adeyg. 2. Dhib ku jirid; rafaadsanaan. 3. Yasid. siic2  1. Dhega-adeyg muujin. 2. Dhibkujir. 3. Yas. siicid  eeg siic².
siicley  Haweenay dhega-adag.
siiclow  Wiil dhega-adag.
siidal  Carruur.
siidhi  ld siiri.
siidimmo  Qardhabo yar oo garka timaha cirrada ah looga siisiibo.
siif  Meesha ay wax ka soo unkamaan; sinji.
siifad  1. Saliidda beerka libaax-badeedka laga shiilo. 2. Urka saliidda beerka libaax-badeedka iwm.
siifadayn  eeg siifadee.
siifadee  Doon siifad marin.
page : 1369 of 1584
<< < 1364 1365 1366 1367 1368 1369 1370 1371 1372 1373 1374 > >>

 

Exit mobile version