siig Ugaarta waweyn nooc ka mid ah oo biciidka u eg kana yar aadna u dheereeya lehna geeso dhaadheer oo gadaal u rogan.
siigadaaq S. ah: xoolo meel cagtu ku badatay daaqa.
siigee 1. (fg.) Wax habaas u yeelid. 2. (fmg.) Cid habaas kicin.
siigeyn eeg siigee.
siigo 1. Habaas; boor; bus. 2. Dabayl xooggan oo carro wadata.
siihaye Qof xil si aan rasmi ahayn u haya; kusime.
siijeed 1. Oogada qaarkeeda sare, dhanka jeegada iyo dhabarku ku yaalliin. 2. Wajhadda dambe ee wax leeyihiin, sida buuraha, aqallada iwm. 3. Dulqaad iyo wax qodqodis la'aan.
siikant 1. (xis.) Fansaar tirigonoometeri ee xagal la mid ah rogaalka kosaynka xagasha. Taasoo ah sec(theta) = 1/cos(theta) 2. (xis.) Xarriiq goysa xood. 3. (xis.) Xarriiq toosan kana jara goobada laba barood. Qaybta xarriiqda leh u dhexeysa labada barood ee is-goyska waa boqonka xoodka.
siil Xubinta dhalmada ee haweenka.
siilaanyo Nooc xamaaratada yaryar ka mid ah oo mulaca u eg kana yar.
siilad 1. Weel macdan ah, sidda leh oo sida wadaanta biyaha loo darsado. 2. Baal-di. 3. ld saylad.
siilholac (daaw.) Halaamacoodka siilka oo uu keeno sida badan deris ku noolka la iraahdo “trichomonas vaginalis”, oo u sabab ah: cunto xumo iyo nadaafad xumo.
siima (jool.) Ereyga loo isticmaalay si loo garto dhadhaabaha culus ee Oogada dhulka, oo ka mid yahay basalt, oo ka hooseeya siyaalka, lana rumaysanyahay inuu yaal salka badda.
siimbaar (muus.) Qalab muusikada ka mid ah oo la afuufo lehna dhuun dheer oo dhuuban iyo daloollo, fureyaal faraha lagaga cayaaro oo foori jaadad badan leh laga soo saaro oo cayaaraha istunka marka la billaabayo iyo marka la joojinayo la yeeriyo; malkad.
siimi Duuf iska soo saarid.
siimid eeg siin².
siimin eeg siimi.
siimow Biyo meel ku jira oo inta ay dhulka hoostiisa xulaan meel kale ka soo dhashuuma.
siin1 1. Magaca xaraf oo ka mid ah xarfaha af carbeedka 2. Duuf. 3. Taar. 4. Maacuunta inta birta ka samaysan oo dhalada iyo macdinka ahayn. 5. S. ah: subag dhalaashan. 6. (-iiman, m.l) Dheeh weelasha jikada oo birta ah qaar-kood oo loo yeelo. siin2 eeg sii². ld siis. siin3 Subag burcad ah weel gudihiis ku dhalaalid. siinad 1. Qurux. 2. (-do, m.l) Naqshad iyo xarar wax lagu qurxiyo.
siinee 1. Wax qurxin. 2. Wax xardhid.
siineyn eeg siinee.
siinsad ld siinsasho.
siinsasho eeg siinso. ld siinsad.
siinso Duuf iska soo saarid.
siiq Geed dheer oo webiyada agagaar-kooda ka baxa.
siiqe Ul dheer oo xooggan.
siir ld sicir.
page : 1370 of 1584
<< < 1365 1366 1367 1368 1369 1370 1371 1372 1373 1374 1375 > >>