silsil1 1. Gilgilidda badar iwm oo la kala soocayo weel ballaaran gudihiisa lagu gilgilo. 2. Biyo yar oo badar lagu mayro. silsil2 1. Badar biyo ku dhaqid. 2. Wax rabsho ku samayn. silsilad1 1. Xarig ka samaysan ilo ama garangarro bir ah ama wax kale oo middiiba mid ku gudajirto. 2. Taxane gabay ama maadees ama sheeko. silsilad2 (juqr.) Layn buuro is haysta, oo fig leh ama aan lahayn, buurahaas is haysta, meesha ugu sarraysa waa dhuubantahay; haddii jooggu uu gaabanyahay waxay silsilladdu ka kooban tahay gunburo is haysta halkii ay ka koobnaan lahayd buuro. silsilad cunto (baay.) Beddelka tamarta ee laga keenay dhirta cagaaran, iyada oo maraysa dariiqad taxana ah oo noolayaasha mid waliba cunayo ka ka hooseeya ee silsiladda, isagana uu cunayo kan ka sarreeyaa. Haddaba dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, iyada oo iyagana ay cunaan hilbo cunayaasha kala duwani.
silsiladayn eeg silsiladee.
silsiladee Nafley silsilad ku xirid.
silsilid eeg silsil².
siman1 1. Laba wax ama ka badan, xag derejo, dhalasho, dherer iwm iskaga mid ah noqosho. 2. Dul aan meelo kala sarreeya lahayn noqosho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaafsiisnayn noqosho. ld sinan¹. siman2 1. Laba wax ama ka badan, xag darajo, dhalasho, dherer iwm iskaga mid ah ahaansho. 2. Dhul aan meelo kala sarreeya lahayn ahaansho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaaf-siisanayn ahaansho. ld sinan². simbayr 1. Doc; dhinac. 2. Boodidda nafley labada dhinac midkood u booddo. 3. Iin sinaha gasha oo dhutis keenta. ld sinbayr.
simbiir1 Is-afgaranshawaa; iskhilaaf. 2. Firo. simbiir2 1. dhinac u kufid. 2. Cid khilaafid. simbiirid eeg simbiir².
simbiriirixad ld simbiriirixasho.
simbiriirixasho eeg simbiriirixo. ld simbiriirixad.
simbiriirixi Cid meel siman oo qoyaan ah ku kufin.
simbiriirixin eeg simbiriirixi.
simbiriirixo1 1. Kufidda lagu kufo meel siman oo qoyan. 2. Meel siman oo qoyan oo haddii lagu joogsado lagu kufo. simbiriirixo2 Cid meel siman oo qoyaan ah ku kufid. simbiriirixoo Meel simbiriirixo ah ku kufid.
simid eeg sin².
siminaar Tababar muddo gaaban socda.
simuum (juqr.) Carabi. Dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
sin1 Misig. sin2 1. Laba wax ama ka badan isla ekeysiin. 2. Saf iwm qallooc ka bi'in. 3. Caddaalad wax ku maamulid.4. Dhaawac qiimayn. 5. Ku s.: cid maqan wax u sii ilaalin. 6. U s.: hadal joojin. sin dur (daaw.) Mudidda ilaa muruqa dhexdiisa (cirbad).
sinaab (c.nafl.) Barta ay ku kulmaan laba dareenwade oo deris ah,taas oo ah inta u dhaxaysa dhammaadka miiq dareenwade iyo fadhaq dareenwadaha kan ku xiga. Sinaabyada xuubabka labada unug aad ayey isugu dhawyihiin. Gujada dareenwaduhu waxay kaga gudubtaa sinaabka miiq dareenwadaha caaradiisa oo soo daaya walax dareen-mootiye; taas oo dhex gesha ugana gudubta dululaatiga sinaab fadhaq dareenka dareenwadaha ku xiga.
sinaad Qiime; sicir.
sinan1 ld siman¹.
page : 1374 of 1584
<< < 1369 1370 1371 1372 1373 1374 1375 1376 1377 1378 1379 > >>