soornaansho ld soornaan.
soorsugaal Cunto yar oo cunto dab saaran lagu sii sugo.
sooryaggal S. ah: wax in laysku sooro u qalma.
sooryaggalnimo Sooryaggal ahaansho.
sooryayn ld soorid.
sooryays ld soorid.
sooryee ld soor³.
sooryo 1. Cunto la siiyo dad marti ah. 2. Hanti la siiyo gabar la soo doontay tolkeed.
soos Xasillooni-darro; buuq.
soosaare (riw.) Riwaayad, filin iwm qofka samayskeeda isku dubbarida ee soo saara.
soosaarid 1. (kiim.) Dariiqada lagaga soo saaro bir macdanteeda. 2. (kiim.) Ka soocidda walax laga soocaayo iskujir iyadoo la adeegsanaayo milmidda xula-shada leh.
soosare aasaasi ah Noole loo tixgeliyo inuu il-tamareed u yahay noolayaasha ka sarreeya, marka laga eego dhinaca silsiladda cuntada. Tus. “Dhirta cagaaran, kuwaasoo tamarta ilayska u beddela tamar kiimikeed”.
sootoli 1. Maxaar dheer oo lagu tolo jawaanada, qobtollada iwm. 2. Xarig dufta jawaanka ka samaysan oo loo isticmaalo tolidda jawaanada, qobtol-lada iwm. ld shootoli.
sooyaal (taar.) Wixii la soo maray oo jiilba uu jiil ka soo gaaray; dhacdooyin taariikheed oo isdabayaal keydintood ama sahamo.
sooyaamid eeg sooyaan².
sooyaan1 Qaylo; buuq. sooyaan2 1. Nafley qaylin. 2. Nafley daalid. sow Armaa, billaa, malaha. Tus. “Sow sidaa ma aha? Sowtaad tiri waan imaa-naya? Sow iga tagee.” ld saw, show, soo¹.
sowjar ld sawjar.
sowjarnimo ld sawjarnimo.
sowrac Tilmaan muuqaal ee uu wax gaar u leeyahay.
su' 1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la da-brayo.
su'aal1 Hadal cid loo jeediyo si jawaab qusaysa wayddiinta looga helo. su'aal² lg1 (-aalay, -aashay) Si jawaab looga helo cid weyddiin u jeedin. su'aalid eeg su'aal².
subaac Dugaagga xoolaha cuna.
subac 1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
subag1 1. Burcad la shiilay caaneeyada laga saaray miidda ka soo harta. 2. Baruurta la shiilo miidda ka soo baxda oo aan fariisan. subag2 Wax subag marin. subagle Geed dheer oo aan qodax lahayn oo leh dhacaan subag la moodo.
subagmadoobe 1. Wan weyn oo shan sano iyo ka badan gaaray. 2. Subagga laga shiilo wan weyn oo aan fariisan.
page : 1387 of 1584
<< < 1382 1383 1384 1385 1386 1387 1388 1389 1390 1391 1392 > >>