suqayar (suqayar, m.dh) Inan yar oo doonyaha ka adeega oo aan weli noqon baxri.
suqdi Dhar midab leh oo qaali ah oo badanaa dumarku qaato.
suqul Habaas; firo.
sur1 Luqun; qoor. sur2 Malabka dhurduhu sameeyo. sur3 1. Wax siddo leh meel ka soo laalaadin. 2. Isa s.: laba shay siddooyinkooda is dhexgelin. surad Geed faalala oo xooluhu daaqaan waxna lagu daaweeyo.
surad-rare Xarig dheer oo saan ka samaysan oo wax lagu raro.
suran 1. Wax meel laga lulay ahaansho. 2. Isa s.: laba shay wax siddooyinkooda lays dhexgeliyey ahaansho.
surasho eeg suro.
surayo Weelasha miyiga laga isticmaalo, inta siddada leh oo meel la suran karo.
surbac Ul yar nafley ku tumid.
surbacaad1 Rafaad; dhibaato. surbacaad2 Rafaad la kulmid. surbacaadid eeg surbacaad².
surbacad ld surbacasho.
surbacasho eeg surbaco. ld surba-cad.
surbaco Cid wax ka sirasho.
surbicid eeg surbac.
surbiyaan Bariis karsan oo dhir midabbo leh lagu daray.
surfiyo ld sufriye.
surgoo Cid nabar xoog leh surka kaga dhifasho.
surgooyo Nabar cid surka si xoog leh looga dhufto.
surgoyn eeg surgoo.
surid eeg sur³.
surin Marin ciriiriyon ama yer. ld surmo (3), surun.
surmaseegtayn ld sarmaseegtayn.
surmaseegtee ld sarmaseegtee.
surmaseegto ld sarmaseegto.
surmayn eeg surmee.
page : 1393 of 1584
<< < 1388 1389 1390 1391 1392 1393 1394 1395 1396 1397 1398 > >>