Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
takoore (xis.)Tibixda (b2-4ac) ee isle'eg saabley ee leh sansaanka ax2+bx+c=0. Haddii xididdada isle'egtu ay isle'egyihiin, takooraha waa eber. Tusaale ahaan, isle'egta x2-4x-6=0, b2-4ac=25 xididdaduna waa 2 iyo -3. Haddii takooruhu yahay tabane, xididdada isle'egtu waa tirooyin murakab ah. Tusaale ahaan, isle'egta x2+x+1=0 waxa ay leedahay xididdada [-1/2-(V3/2)]i iyo [-1+(V3/2)]i.
takoorid eeg takoor³. ld takoor¹ (3).
takoorin Lafta misigta madaxeeda.
takoornaan eeg takooran. ld takoornaansho.
takoornaansho ld takoornaan.
taksi ld tagsi (1).
tal 1. Dun xariir ah oo maryaha lagu qurxiyo. 2. T. ah: qof aad u marqaansan ama u sarqaansan.
talaado Todobaadka maalin ka mid ah oo u dhaxaysa isniinta iyo arbacada. ld salaasa.
talaammiin Dadka inta aan birta tumin.
talaggal (1) 1. T. ah: qof talo bixin kara; ujedda; qorshe. 2. ld talaggelid.
talaggal (2) Ku t.: wax qorshaysasho.
talaggeli Qof wax kala tashasho.
talaggelid eeg talaggal². ld talaggal¹ (2).
talaggelin eeg talaggeli.
talajeedin Soo t.: fikrad laga dhiibto arrin.
talajir Ku t.: wax samayntooda ku talaggelid.
talajirid eeg talajir.
talal (1) Taah.
talal (2) Nafley taahid.
talalid eeg talal².
talambaabo Wax si joogto ah uga fe-kerid.
talantaalli 1. Wax si kala googo'an oo waqti u dhexeeyo u dhaca. 2. Laba xaglood oo isla eg oo iska soo horjeeda.
talanteel (1) ld teelteel¹.
talanteel (2) ld teelteel².
talanteelid ld teelteelid.
talaqaadasho eeg talaqaado.
talaqaado Waano qaadasho.
talarraac Qof madax adkayn oo talada si sahlan u qaata.
talasaarad ld talasaarasho.
talasaarasho eeg talasaaro. ld tala-saarad.
<< < 1411 1412 1413 1414 1415 1416 1417 1418 1419 1420 1421 > >>

 

Exit mobile version