taluulnaan eeg taluulan². ld taluul-naansho.
taluulnaansho ld taluulnaan.
tamanda'1 Hadal aan madax iyo manjo midna lahayn; cantar. tamanda'2 Hadal badan oo aan murti lahayn ku hadlid. tamandho Yaanyo.
tamandi'id eeg tamanda'².
tamar1 ld tabar. tamar2 (fiis.) Summad: E. Astaanta qabashada hawl. T.ta waxay leedahay dhawr qaab, waxana lagu cabbiraa juul (J) (eeg t. keyd iyo t. socod). ld tabar. tamar socod Summad: Ek. Tamarta ay walaxi ku kasbatay socodka ay ku jirto, le'egna hawsha ay qaban karto, marka walaxda la joojiyo. Waxaa lagu helaa isle'egtan. Ek = 1/2 mv2, taasoo m-ay tahay cufka walaxda; v-ay tahay xawaaraha walaxda.
tamar xor ah (fiis.) Cabbir loo adeegsado awoodda hab ku samayn karo shaqo waxtar leh.
tamar-bu'eed (fiis.) Tamarta la sii daayo, marka uu dhaco ama dhanballan bu'eed ama isudheg bu'eed.
tamar-dabareed (fiis.) Tamarta la bixiyo marka dabar elektaroon-wadaag ihi ka dhex samaysmo laba atam oo madax bannaan.
tamar-isuhayn (fiis.) Tamar le'eg iin cufaadka bu'da, ee ay bu'du bixiso, marka uu dhanballan ku dhaco (eeg iin cufaad).
tamar-kaah (fiis.) T. k.inta birlabdanabeed ee dhexmari karta dululaati aan maatar lahayn.
tamar-keyd (fiis.) Summad: Ep. Tamarta ku keydsantay walax, uguna wacantahay meesha ay taalo, waxaana ay le'egtahay hawsha ku baxday walax ka dhaqaajinta bar beegaal (sida oogada dhulka) ilaa meesha ay hadda taallo. Waxaa lagu helaa Ep = mgh.
tamar-kicin (fiis.) Tamarta ugu yar ee saxar, molikiyuul, iwm uu hanto ka hor inta aanu falgelin waa tamarta loo baahanyahay si falgal u bilowdo iyada oo aan la tixgelineyn in falgalku yahay kul qaate ama kul bixiye waxaa lagu asteeyaa summadda E.
tamar-qorraxeed (fiis.) Tamar birlabdanabeedka ka soo kaahda qorraxda.
tamaro ld tabar.
tamashle Lugabbaxsi; manjabbaxsi.
tamashlee 1. Socod raaxaysi leh meel aan fogayn ku tegid. 2. Safar dalxiis ah meel dheer ku tegid.
tamashleyn eeg tamashlee. ld tama-shleys.
tamashleys ld tamashleyn.
tambal 1. T. ah: qof nacas ah. 2. T. ah: qof aad u tabar yar.
tamcaar1 ld tacdaar¹. tamcaar2 ld tacdaar². tamcaarasho ld tacdaarasho.
tamcaarid ld tacdaarid.
tamcaaro ld tacdaaro.
tamiin1 Mar; kol. ld tamin. tamiin2 Tiro isdhaaf ah oo loo istic-maalo faalka.
page : 1419 of 1584
<< < 1414 1415 1416 1417 1418 1419 1420 1421 1422 1423 1424 > >>