Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mudniin
tarraaqad  Kalluunka badda jaad ka mid ah oo u eg tebedinta.
tarraar1  Ood laba beerood oo isa saaran u dhexeysa. tarraar2  Summad Alif dheer u eg oo garabka ilaa caloosha gaaraya oo geela lagu dhigo. tarraje  Geedo yaryar oo xoolaha ay cunaan, siiba geela.
tarraq  Qoryo yaryar oo la farsameeyey oo afka baaruud ku leh; kabriid.
tarrar1  Dillaac, jeex. ld qarrar¹. tarrar2  Wax adag dillaac yeelasho. ld qarrar². tarrari  Wax af dillaac u yeelid. ld qarrari.
tarrarid  tarrar². ld qarrar¹, qarrarid, tarrar¹.
tarrarin  eeg tarrari. ld qarrarin.
tarrax1  ld tarrixid. tarrax2  Wax yar wax badan ku dhex darid. tarraxan  Ku t.: wax la tarraxay ahaansho.
tarraxnaan  eeg tarraxan. ld tarrax-naansho.
tarraxnaansho  ld tarraxnaan.
tarraxo  Geed yar oo asal wanaagsan laga helo.
tarraysad  ld darraysasho.
tarraysasho  ld darraysasho.
tarraysi  ld darraysasho.
tarrayso  ld darrayso.
tarriiq1  1. Dillaac, jeex. 2. Waddo laba degmo isku xirta. tarriiq2  Wax jeexid. tarriiqan1  Wax la jeexay noqosho. tarriiqan2  Wax la jeexay ahaansho. tarriiqid  eeg tarriq².
tarriiqmid  eeg tarriiqan¹.
tarriiqnaan  eeg tarriiqan². ld tarriiqnaansho.
tarriiqnaansho  ld tarriiqnaan.
tarrixid  eeg tarrax². ld tarrax¹.
tarro  1. Laba laamood oo isku dheggan halka ay ka farcamaan. 2. ld darro.
page : 1425 of 1584
<< < 1420 1421 1422 1423 1424 1425 1426 1427 1428 1429 1430 > >>

 

Exit mobile version