Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mudniin
tirada dadka  1. Ikoolajii ahaan, koox isku sinji ah oo meel ku wada nool. 2. Tirada wadarta sinjiyo ama bah kale oo noole ah oo ku nool meel la yaqaan.
tiradhaaf  T. ah: wax xadkii tiradooda dhaafay.
tirakoob1  Habka loo helo ama lo tirsho tira guud. tirakoob2  Wax inta tiradoodu tahay helid. tirakoobid  eeg tirakoob².
tiran  Wax tirmo leh ahaansho.
tirasho  eeg tiro².
tiratoomi  Wax tiradooda qaldid.
tiratoomin  eeg tiratoomi. ld tira-toomis.
tiratoomis  ld tiratoomin.
tirbi  Asluub.
tirci  Nafley si tartiib ah u wadid. ld turci.
tircid  eeg tirci. ld turcid.
tircin  eeg tirci. ld turcin.
tiri  1. Wax inta ay ka koobanyihiin xisaabid. 2. Gabay, hees iwm curin. 3. Ku t.: wax meel in ay ku sugan yihiin u malayn. 4. Ku t.: wax rasaas ku furid.
tiric  Tartiib u socosho. ld turuc.
tirid  eeg tir. ld tiris², tirniin.
tirigonometeri  (xis.) Laanta xisaabta ee ku saabsan furfurista saddex-xagallada iyada oo la adeegsanaayo fansaarro tirignometiyeed. Waxa ay qiime aad waxtar leh u leedahay maadooyinka sida: injineeriya, nakhsha-daynta, sahminta badmaax, cilmifalag iwm, waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah: tirignometeriga sallaxa oo ku saabsan saddex-xagallo sallaxaha iyo tirignome-tiriga kubbadeed oo ku saabsan saddex-xagallo kubbadeed. Fansaarrada tirigo-nometeriyeed waxaay kaalin muhiim ah ka qaataan saafidda waxaana loo adeegsadaa in lagu muujiyo birar iyo finoomino.
tirigsan  Xarig si tirjis ah loo sameeyay ahaansho.
tirigsanaan  eeg tirigsan. ld tirigsanaansho.
tirigsanaansho  ld tirigsanaan.
tirigsasho  eeg tirigso.
tirigso  Xarig saddex dhudood ah soohasho. ld tirjiso.
tiriig  1. Koronto. 2. Siraad gaas lagu shubo oo la neefiyo oo iftiin xoog badan bixiyo. 3. T. ah: xarig saddex dhudood ah oo isku soohan.
tirin  eeg tiri. ld tiris¹.
tiris1  ld tirin. tiris2  ld tirid. tirji  Xarig iwm oo xoog leh samayn.
tirjin  eeg tirji. ld tirjis.
tirjis  ld tirjin.
page : 1441 of 1584
<< < 1436 1437 1438 1439 1440 1441 1442 1443 1444 1445 1446 > >>

 

Exit mobile version