toobid (2) eeg toob².
toobin (1) 1. Gees ama qalab kale oo u eg oo oogada, inta la saro, dhiigga buka lagaga toobo, lagaga soo saaro. 2. Shaxan joomitiri oo leh qaabka koombada.
toobin (2) (daaw.) Koob ama gees go'an oo la kululeeyay marka lagu qabto jirka meel ka mid ah kaddibna soo dhuuqa dhiigga oo jirku soo fooco markaas la sarsaro maqaarka oo dhiig laga keeno, dhiigaas oo loo haysto mid faasid ah sidaasna lagu daaweysmayo.
toobin (3) (xis.) Adke salkiisu yahay xood sallax oo oodan, kuna dhammaada bar gees dibedda ka ah sallax saleedka.
toobin (4) 1. (bot.) Botani ahaan: dhisme taran oo laga helo ubaxla'da dhexdooda iyo qaar ka mid ah betri dhoofaytayda, loona yaqaanno istaroobilas. 2. (c.nafl.) Dhinaca anatomiga xayawaanka: nooc unug qaabile ah oo xasaasi u ah ilayska, lagana helo ratiinaha lafdhabarleyda dhexdhiisa.
toobiye Jid toosan oo aan leexleexad lahayn; waddooyin meel wada taga tan ugu gaaban.
toobkac (1) ld toobkicid.
toobkac (2) Cid dhibaato ka gudbin.
toobke Haruubgaal; gaawe. ld doobi.
toobkicid eeg toobkac². ld toobkac¹.
toobnaan eeg tooban. ld toobnaansho.
toobnaansho ld toobnaan.
toobte ld doobi.
tooci (1) Bannaan furan oo aan lahayn gabbaad.
tooci (2) Wax xoog u ereyid.
toocin eeg tooci².
tood (1) Neef irmaan oo aan la maali karin; toojo. ld toojo.
tood (2) ld tooda².
tooda (1) (kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Tooda u yeel!”.
tooda (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Nimankaas beertooda ayaa miro badan leh”. ld tood.
toodibo Heegan. ld toodimo.
toodimo ld toodibo.
toodoobid eeg toodow.
toodow Tood noqosho (xoolo).
toodraac (1) ld toodraacid.
toodraac (2) Neef tood ah lisid.
toodraacid eeg toodraac². ld toodraac¹.
toog (1) 1. Kol; mar. 2. In kol naas laga dhiijiyo. 3. Roob yar.
toog (2) 1. Aqoonta liishaanka. 2. Arrin fulinteedu hagaagtay ama meelmartay.
toogad ld toogasho.
<< < 1442 1443 1444 1445 1446 1447 1448 1449 1450 1451 1452 > >>