Toobin
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-nno, m.dh)1. Gees ama qalab kale oo u eg oo oogada, inta la saro, dhiigga buka lagaga toobo, lagaga soo saaro. 2. Shaxan joomitiri oo leh qaabka koombada.
Toobin
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:(daaw.) Koob ama gees go'an oo la kululeeyay marka lagu qabto jirka meel ka mid ah kaddibna soo dhuuqa dhiigga oo jirku soo fooco markaas la sarsaro maqaarka oo dhiig laga keeno, dhiigaas oo loo haysto mid faasid ah sidaasna lagu daaweysmayo.
Toobin
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:(xis.) Adke salkiisu yahay xood sallax oo oodan, kuna dhammaada bar gees dibedda ka ah sallax saleedka.
Toobin
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:1. (bot.) Botani ahaan: dhisme taran oo laga helo ubaxla'da dhexdooda iyo qaar ka mid ah betri dhoofaytayda, loona yaqaanno istaroobilas. 2. (c.nafl.) Dhinaca anatomiga xayawaanka: nooc unug qaabile ah oo xasaasi u ah ilayska, lagana helo ratiinaha lafdhabarleyda dhexdhiisa.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga toobin ↴
saab | borojekshan-toobineed | dalaandal | dalaandal | folkaano | jeedshe | karaytar | kulmis | kutirsane | labasaab |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg