udo 1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca.
udub 1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.
udubcad Qoys markaas aqal galay.
udubdhexaad Udub dheer oo aqlka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.
udubxoog Labada udub oo irridda aqalka lagu dhiso midkood.
udug1 1. Ur la jecleysto. 2. Wax ur la jecleysto leh oo la shito ama lays mariyo. udug2 Wax caraf la jeclaysto yeelasho. udullub1 Socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro, caro iwm hayso. udullub2 Qof jirro, caro iwm la cagajiidid. udullubi Nafley jirran si tartiib ah u wadid.
udullubid eeg udullub².
udullubin eeg udullubi. ld udullubis.
udullubis ld udullubin.
uduuf Gufar; qashin.
uduufaa 1. Neef yar (siiba nayl) oo caato ah. 2. Cunug yar oo caato ah.
uduufo Wax kasta intiisa liidata.
uf1 Faddare; qurun. uf2 Eray la dhaho kolka ur qurmuun la dareemo. ufaayow Cudur raagay.
ufo Dabaysha roobka ka soo horreysa.
ufoo 1. Ka siqasho; ka yaqyaqsasho. 2. Ka u.: wax ka tanaasulid ama ka fogaansho.
ufood eeg ufoo.
ufuq (juqr.) Xarriiqa lagu sheegi karo inay wareegsantahay oo xadeysa aragga eegaha, kaas oo ah dhulka dushiisa ama badda dusheeda, meesha dhulka ama baddu ay u muuqdaan inay cirka kula kulmaan. Ogaanta ufuqu waxay ku xirantahay joogga eegaha.
ug Ku u.: wax dab ku qallajin.
ugaabdays ld udaabtahays.
ugaadhsade Xayawan u ugaadhasada xayawaannada kale cunto ahaan.
ugaar1 Nafley banjoog ah oo hilibkeeda la cuno sida biciidka, deerada, iwm. ugaar2 Ugaar dilasho (qof). ld ugaarso. ugaarasho eeg ugaarso. ld ugaarsasho, ugaarsi.
ugaarayn eeg ugaaree.
page : 1462 of 1584
<< < 1457 1458 1459 1460 1461 1462 1463 1464 1465 1466 1467 > >>