waddani Qof waddankiisa aad u jecel.
waddaninnimo Waddani ahaansho.
waddaniyad Jeclaan siyaasadda madax-banaan ee dalka.
waddar1 ld waddarid. waddar2 1. Cid si khayaano ama xoog badan ku dilid. 2. Ambin; luggoyn. ld wedder². waddarid eeg waddar². ld waddar¹, wedder¹, wedderid.
waddayn eeg waddee.
waddaysan 1. Badeeco wax si nadaamsan isu dulsaaran ahaansho. 2. Meel wax waddo laga dhigay ahaansho.
waddaysnaan eeg waddaysan. ld waddaysnaansho.
waddaysnaansho ld waddaysnaan.
waddee 1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.
waddo Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.
waddo-caanood Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. ld waddo-hunguri.
waddo-dhaan Dhabbaha dhaanku maro.
waddo-halaq Waddada ay maraan xamaaratadu.
waddo-hunguri ld waddo-caanood.
waddoohiye W. ah: jid aad u ballaaran ama aad loo maro.
wade 1. Qof baabuurta wadi yaqaan. 2. Meel dad badan isugu yimaadaan, ninka dadka gaarsiiya hadalka qofka hadalka jeedinaaya.
wadeecayn eeg wadeecee.
wadeecee 1. Wax waxaan Ilaahay mooyee cid kale ilaalinayn ka dhigid. 2. Wax dayicid.
wadeeco 1. W. ah: wax Ilaahay mooyee aan cid kale ilaalinayn. 2. Wax la dayacay.
wadeecoobid eeg wadeecow.
wadeecow Wax wadeecoobay noqosho.
wadey Jaal; saaxiib; rafiiq.
wadid eeg wad.
wadiiqo Jid yar, dhuuban oo gaaban.
wadki-arag Cantalyaa, coomaadi. ld wedki-arag.
wadnabbaab1 Dhicid iyo miyirdoorsan yar oo tabarxumo ama dhiigyaridu sababto. wadnabbaab2 Baahi ama tabar yaro darteed la diidid. wadnabbaabid eeg wadnabbaab².
page : 1484 of 1584
<< < 1479 1480 1481 1482 1483 1484 1485 1486 1487 1488 1489 > >>