watahso Ka w.: meel wax laga sugayey gacmo-marnaan kaga tegid.
watar Salaad sunne ah, habeenkii la tukado oo rakcadaheedu tiro kisi ah yihiin. ld witir.
watatacoobid eeg watatacow². ld waddadacoobid, waddaddacow¹, watata-cow¹.
watatacow1 ld watatacoobid. watatacow2 Rafaad la kulmid. ld waddaddacow². watiiq W. ah: wax dhuuban.
wax 1. Shay; walax. 2. Arrin; talo; xaal.
wax-ku-ool W. ah: wax waxtara ama qiimo leh.
wax-walba-cune Xayawaanka quuta cunto xayawaan iyo dhirba leh (dadka).
waxa ld waxaa.
waxaa Qurub soo hor marinaya yeelaha, layeelaha ama dhammeystire kale ee weerta dhexdeeda lagu muujiyo. Tus. “Waxaa yimid Xasan”. ld waxa.
waxad Hanti aabbe siiyo ilmihiisa midkood.
waxar1 Orgiga yar. waxar2 Dhasha riyaha tooda yar. waxarawaalis Geed laamo dhuudhuuban oo caleemo balballaran iyo ubaxyo hurud ah leh.
waxaraxir (c.fal.) Meerayaasho qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexeysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka) sannakeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan ku dhowaad malyuun oo mayl; xiddigta waaberi; sahra.
waxarcaddeeye Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno cadcad oo macaan leh.
waxarey Ukunta shinnida iyo dhurdaha.
waxaro Surta dhurduhu sameeyo, qaybteeda oo ka samaysan ugxaan farabba-dan oo aan weli dillaacin; qaybta kale waa miidda iyo gowska.
waxarxir Mareegta waxaraha qoorta loo geliyo habeennimada.
waxash Qof aan naxariis lahayn. ld waxshi.
waxashnimo Naxariis la'aanta. ld waxshinnimo.
waxayn eeg waxee.
waxbarad 1. Qof hawshiisu tahay in uu wax dhigto; arday. 2. ld waxbarasho.
waxbarasho Tacliin; aqoonkororsi.
waxbarid Tacliinbarid; aqoonbarid. ld waxbaris.
waxbaris ld waxbarid.
waxbeerid Wax abuurid, wax beerid.
waxee Wax hagaajin; samayn.
waxgal W. ah: wax waxtara ama muhimad leh; waxtar.
page : 1501 of 1584
<< < 1496 1497 1498 1499 1500 1501 1502 1503 1504 1505 1506 > >>