xadaarad Heerka horumarka dhaqanka, dhaqaalaha, tegnoolajiyada iwm oo wada jira oo ummadi gaarto. ld xad-daarad.
xadaf1 (nax.) Goyn shaqal ka mid ah erey. Tus. “garab + o -> garbo”. xadaf2 Xaraf ama erey ka tegid. xadan Wax dhibban ahaansho.
xadatayn eeg xadatee. ld xanantayn, xanatayn.
xadatee Cid xadato dareensiin. ld xanantee, xanatee.
xadato Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. ld xananto, xanato.
xadaysan Wax xad loo yeelay ahaansho.
xaddaarad ld xadaarad.
xaddi Awood; xoog.
xaddi leeb Xaddi leh jiho iyo laxaad, waxaana ka mid ah barabaxa, kay-naanka keynaan xagleedka, xoogga iwm xad-di leebka waxa sawir ahaa u taagnaan kara xariiq (leeb) dhererkeedu uu saamiggal ku yahay laxaadka xaddiga, jihadeeduna uu yahay ka leebkaas.
xaddi-foolwaa (xis.) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.
xaddi-roobaad (juqr.) Wadarta inta roob ah ee la dhigay meel waqti lagu siiyay.
xaddid Xad u yeelid.
xaddidan Wax xad loo yeelay ahaansho.
xaddidhaaf Wax qiyaastii laga rabay dhaa-fay.
xaddidhaafsii Wax qiyaastii laga rabay dhaafsiin.
xaddidhaafsiin eeg xaddidhaafsii.
xaddidid eeg xaddid.
xaddiditaanka PH (xis.) Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada hayda-rojiinta ku jirta milan.
xaddidnaan eeg xaddidan. ld xaddid-naansho.
xaddidnaansho ld xaddidnaan.
xaddiid Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka oo ku jira macdanno badan, gaar ahaan ogsaydhada (hamatayt iyo magnitayt) iyo kaarbooney-tyada; bir.
xaddiis (axaadiis/-syo, m.dh) (dii.) Falalkii ama hadalladii Rasuulka (n.k.h.a.) laga guuriyey.
xaddiisqudsi (dii.) War Rasuulka (n.k.h.a.) loo waxyooday oo aan Quraanka ka mid ahayn.
xadee Wax xad u yeelid.
xadeyn eeg xadee.
xadeysan Wax xad loo yeelay.
xadeysnaan eeg xadeysan. ld xadeys-naansho.
xadeysnaansho ld xadeysnaan.
page : 1521 of 1584
<< < 1516 1517 1518 1519 1520 1521 1522 1523 1524 1525 1526 > >>