xasilloonaan ld xasillanaan.
xasilloonaansho ld xasillanaan.
xasillooni ld xasillanaan.
xasin ld xays.
xaskul (bot.) Geed dacarta la tol ah; wuxuu leeyahay caleemo dhaardheer oo warmo ah oo qaarka danbe u wada buuran oo wada hilib ah, oo caarad qodax ah ku wada dhammaada; sida wax laysku falkiyay bay isu haystaan oo midiba mid uga kor baxdaa. Waa wada liil, xargo iyo waxyaalo kaleba laga sooho ama laga sameeyo; xaskulxig.
xasuuq Nafley badan hal mar wada layn; baabi'in.
xasuuqid eeg xasuuq.
xataa 1. Eray lagu isticmaalo kolka wax gaar ah la weyneynayo ama culays gaar ah la saarayo. Tus. “Waa geesi oo xataa libaaxa (ama libaaxa xataa) kama baqo”. 2. Haba yaraatee. Tus. “Bal wax uun i sii, xataa shi-lin”. ld xitaa.
xatab Cagasaaraha ragaadka (jaranjarada) middood.
xatabad Meesha aqalka laga galo; irrid-horaad.
xatooyo Hanti cid kale leedahay oo amar la'aan qarsoodi looga qaato; tuugannimo.
xaw 1. Dhuun. 2. Naf.
xawaad Xoolo badan.
xawaadeen Dabayl xoog leh.
xawaaj ld xawaash.
xawaaji ld xawaash.
xawaal1 ld xabaalid. xawaal2 Degganaanta iyo dib u gurasha-da badda. xawaalad 1. (dhaq.) War-qaadda lagu diro lacagaha dadku boostada ku dirayaan. 2. (dhaq.) Lacag dal laga wareejiyo iyadoo dal kale lagu wareejinayo.
xawaarayn eeg xawaaree.
xawaare Orod si gaar ah loo ordo.
xawaare ileys (fiis.)Summad C. Xawaaraha ay ku baahaan hirarka birlabdanabeedka maraaya dulalaati madhan, kaas oo ah madoorsoome fisikeed, le'egna 2.997.925 x 10(8) m/s, waxana loo yaqaanaa madoorsoomaha birlabdanabeed.
xawaare-hoor beeg eeg anemoomitir.
xawaaree Ku x.: ayadoo la ordayo meel xoog ugu wareegid.
xawaash Dhirta lagu carfiyo cuntada.
xawaldaar Jaajin.
xawayaan ld xayawaan.
xawbaf Caws caleemo dhaadheer oo rarada laga sameeyo.
xawil Lacag iwm meeshay yiilleen maahee meel kale u beddelid.
xawilad ld xawilid.
page : 1543 of 1584
<< < 1538 1539 1540 1541 1542 1543 1544 1545 1546 1547 1548 > >>